Dalxiisayaal Reer Yurub ah oo lagu dilay Dalka Eithiopia iyo Meles Zenawi oo ku hanjabay inuu tallaabo ka qaado Ertria

0

Eithoipia-(Berberanews/ Reuters)- Nin hubaysan, ayaa qudha ka jaray shan dalxiisayaal reer Yurub ah, islamarkaana afduubay affar qof oo kale oo laba u dhaseen dalka Itoobiya Deegaanka Canfarta ee waqooyiga dalkaas, oo ay xoog ku leeyihiin mucaarid goosi u goosad ahi.

Afhayeen u hadlay dawladda Itoobiya; Bereket Simon, ayaa xaqiijiyay dhimashada laba ruux oo u dhashay Hungry, laba Germany ah iyo mid u dhashay dalka Australia ay Salaasadii ku dhinteen deegaanka Saxaaraha engegan ee Canfarta.

Dawladda Itoobiya waxay dhacdadan ku eedaysay Ertria oo ay sheegtay inay ka danbaysay weerarka foosha xun,  iyadoo xukuummadda Meles Zenawi ku hanjabtay inay tallaabo ka qaadayso Ertria, “Waxaannu qaadaynaa Tallaabo kasta oo lagama maarmaan u ah joojinta dhadhaqaaqyada Keli-taliska Ertria markasta, haddii quwadaha shisheeye ku guuldaraysteen joojinteeda.”

“Dulqaadka Dawladda Itoobiya ee ku waajahan Keli-taliska sida cad u taageera dhaqdhaqaaqa argagixisada waa mid gabaabsi ahi.” Sidaa waxa lagu sheegay hadal-qoraal ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Debeda Itoobiya

Ergayga Midowga Afrika u fadhiya Ertria, Girma Asmerom, ayaa diiday eedaymaha ka soo baxay dalka Itoobiya oo uu ku sifeeyay “Mid Been ah”

Dalalka Ethiopia iyo Eritrea waxa sanadkii 1998-2000 dhexmaray dagaal ka dhashay muran dhinaca xuduudka oo ay ku naf waayeen 70,000 kun oo qof.

Berberanews.com

Email, info@berberanews.com