Darasaad lagu soo bandhigay masuulliyiinta ugu waxqabadka badan Somaliland iyo Maayarka Berbera oo kaalinta koowaad ku guulaystay maayaradda dalka

0

Hargeysa-(Berberanews)- Cilmi-baadhistan oo uu sameeyey urur dhallinyaro ka shaqeeya arrimaha waxbarashada iyo horumarka oo marka magacooda la soo gaabiyo la yidhaa SYVEDA, ayaa soo  bandhigay Daraasad laga qaaday shacabka shan gobol oo ka mid ah dalka Jamhuuriyadda Somaliland, oo shaaca ka qaaday masuuliyiinta dawladda ee sida fiican uga soo baxay xilalka ay qaranka u hayaan.

Daraasadan oo la weydiiyay 2000 qof (laba kun) oo mid kasta si gaar ah loo waydiiyey shan su’aalood oo la xidhiidha masuulka u aqoonsan yahay inuu waxqabad muujiyey iyo sababaha uu ugu doortay, taas oo natiijadeedu noqotay in 15 masuul oo isugu jira wasiirro, maayarro, maareeyayaal hay’adaha madaxbannaan ah iyo hal agaasime guud oo ku guulaysay waxqabad ay sameeyeen xilalkoodiina ka baxay.

Maayarka magaalada Berbera Cabdalle Maxamed Carab, ayaa ku guulaystay kaalinta koowaad ee waxqabadka Maayaradda Somaliland oo uu ku hoggaaminayo cod dhan 400, halka kaalinta labaad ay heshay Maayarka Gabiley Khadra Xaaji Gaydh.

Daraasaddan oo lagu soo bandhigay xaflad lagu qabtay xalay huteelka Maansoor ee ee magaalada Hargeysa oo ay ka qaybgaleen inta badan masuuliyiinta ku guulaystay ra’yi ururintaas, dhallinyarada ururka cilmi-baadhista sameeyey iyo marti sharaf kale, waxa ugu horreyn ka hadlay Guddoomiyaha ururka SYVEDA Mr. Cabdicasiis Cilmi Qalline, waxaannu ayaa sheegay in sababta ururkoodu ra’yi ururintan u sameeyey tahay si loo kala ogaado masuuliyiinta waxqabadka muujiyey ee shaqadooda ku guulaystay iyo kuwa ku saaqiday.

Mr. Cabdicasiis oo sharraxaad ka bixinayey daraasadda ay sameeyeen iyo qaabka ay u mareen waxa uu yidhi, “Cilmi-baadhintan oo aannu ku qiimaynaynay waxqabadka masuuliyiinta hay’adaha dawladda ee kala duwan oo aannu ka samaynay shanta gobol ee kala ah Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer, Awdal iyo Sanaag, waxaannu ka qaadnay ra’yi ururinta 2000 kun oo qof oo aannu ku weydiinaynay shan su’aalood. Ra’yi ururinta waxaannu ku bartilmaameedsanaynay dadka aannu u aragno inay yihiin indheer-garadka bulshada sida jaamacadaha, dadka u dhuundaloola siyaasadda. Waxaanna ka soo baxay masuuliyiin runtii ku guulaystay xilka qaranka, annaga oo kala saarayna masuuliyiinta xilkooda ku guulaystay iyo kuwa aan ka soo bixin. Masuulka codkiisu ka sarreeyo 200 cod waxaannu u aqoonsanay inuu yahay mid xilkiisa ka soo baxay.”

Intaa kadib Cadnaan Isaaq Cali oo isna ka mid ah dhallinyarada ururka daraasaddan sameeyey, ayaa halkaa ku soo bandhigay ra’yi ururinta ay sameeyeen oo ay ku guulaysteen masuuliyiintani; wasiirrada wasaaradaha Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi, Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Macdanta iyo Biyaha Eng. Xuseen Cabdi Ducaale iyo Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiillada – Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mr. Muxumed Aw Cabdi, Maareeyayaasha Wakaaladaha Biyaha iyo Korantada Hargeysa – Ibraahim Siyaad iyo Maxamed Axmed Aadan, Maayarrada Berbera iyo Gabiley – Cabdalla Maxamed Carab iyo Khadra Xaaji Gaydh iyo Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Md. Faysal Cali Sheekh oo isagu noqday agaasimaha keliya ee ku guulaystay inuu soo galo daraasaddan.

Haddaba, sida masuuliyiintaasi ugu kala sarreeyaan hay’adaha ka wada tirsan yihiin iyo codadka ay kala heleen waxay u qornaayeen sidan:

Wasiirrada ku Guulaystay cilmi-baadhista:

1. Wasiirka Duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi – 501 cod

2. Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi – 407 cod

3. Wasiirka Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire -384 cod

4. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Eng. Xuseen Cabdi Ducaale -330 cod

5. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali -285 cod.

Golaha Baarlamanka:

1. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) – 450 cod

2. Guddoomiye-ku-xigeenka Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale – 375 cod.

Ciidammada:

1. Taliyaha Ciidanka Asluubta Mr. Maxamed Xuseen Xiirane – 395 cod

2. Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Booliska Mr. Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) -350 cod.

Maareeyayaasha Hay’adaha Madaxbannaan:

1. Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Mr. Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil – 397 cod

2. Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Ibraahim Siyaad Yoonis -370 cod

3. Maareeyaha Hay’adda Korantada (Wali-xaawo) -300 cod

4. Maareeyaha Madbacadda Qaranka Mr. Cali Siciid Raygal -250 cod.

Maayarrada Magaalooyinka Waaweyn:

1. Maayarka Berbera Mr. Cabdalle Maxamed Carab – 400 cod

2. Maayarka Gabiley marwo Khadra Xaaji Gaydh -385 cod.

Agaasimayaasha Guud:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Md. Faysal Cali Sheekh -284 cod

Soo bandhigidda daraasaddaasi kadib waxa hadallo masuuliyiintaas xafladda ka jeediyeen way kaga hadleen dareenkooda la xidhiidha guulaha ay gaadheen.

Ugu horreyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mr. Faysal Cali Sheekh, ayaa sheegay in waxqabadka masuulku ku wanaagsan yahay inuu ka yimaad sida cilmi-baadhistan ku cad dadweynaha, taas oo dhiirrigelin ah, waxaannu hawshaas uga mahadceliyey ururka SYVEDA.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Mr. Maxamed Xuseen Faarax, ayaa isaguna sheegay in markii u horreysay ee shaqada ay bilaabeen wax-ka-beddelkii ay sameeyeen dhibaato badan iyo mucaaradnimo kala kulmeen, balse ay farxad u tahay mar haddii dadweynuhu u garteen.

Maayarka Degmada Berbera Md. Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere) oo xafladdaas ka hadlay, ayaa xusay in ka hor intii aannu aqbalin ka soo qaybgalka xafladda uu dhallinyarada ururka oo telefoon kula hadlay weydiiyey in ay caddaalad tahay cilmi-baadhista ay sameeyeen, kadibna uu ku qancay.

Maayarku waxa uu ka markhaati kacay xubnaha wasiirada ee ku guulaystay cilmi-baadhista oo uu sheegay in qaarkood ilaa maalinta Jimcaha ee fasaxa la yahay shaqeeyaan.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Md. Muxumed Aw Cabdi, ayaa uga mahadceliyey ururka dhallinyarada ee sameeyey cilmi-baadhista lagu kala saaray masuuliyiinta dawladda, isagoo ku ammaanay hawl culus oo ay qabteen oo aanay cidna ka taageerin.

Sidoo kale, Wasiirka Xannaada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir oo u hadlay xubnaha wasiirrada ee abaalmarinta la guddoonsiiyey, ayaa isna u mahadnaqay dhallinyarada sameeyey cilmi-baadhistaasi oo ku sifeeyey “Waajibaad qaran oo masuuliyiinta laga doonayo, waa toosin, waa digniin iyo in shaqada qaranka halkaa laga sii wado.”

Waxa kale oo uu xusay in shaqada iyo wax-qabadka ay sameeyeen masuuliyiinta daraasada lagu xulay ay tahay mid ka dhalatay dadaalka iyo ballanqaadkii uu sameeyey Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Sidoo kalena, waxa uu tilmaamay in waxqabadkaasi ay masuuliyiinta la hirgeliyeen shaqaalaha hay’adaha ay madaxda ka yihiin.

Ugu dambayn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in hawsha dhallinyaradaasi qabteen tilmaan u tahay horumarka dalku gaadhayo, isagoo soo dhaweeyey in masuuliyiinta dawladda wixii waxqabad ama dib-u-dhac ah ee sameeyaan la sheego.

“Waxaan rajaynayaa in taasi noqoto mid joogto ah oo aanay sannadkan uun ku koobnaan oo la soo bandhigo waxqabadka iyo dib-u-dhaca masuuliyiinta qaranku sameeyaan labadaba,” ayuu yidhi Md. Cirro.

Gebagebadii waxa Guddoomiyuhu halkaasi shahaadooyin ku guddoonsiiyey masuuliyiinta isugu jira wasiirrada, maayarrada, guddoomiyayaasha iyo Agaasimaha Guud ee ku guulaystay inay xilalkoodii qaranka ku guulaystaan.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email,info@berberanews.com