Dawladaha Turkiga iyo Britain oo heshiis kala saxeexday

0

LONDON —(Berberanews)-Dowladaha Turkiga iyo UK ayaa shaaciyey in ay kala saxiixdeen heshiiska ganacsiga xorta ah iyada oo London u diyaar garoobeyso in ay dhamaadka bishan si rasmi ah uga baxdo Midowga Yurub.

Heshiiskan oo dhaqan geli doona 1-da bisha January 2021 ayaa kor u qaadi doona ganacsiga labada dhinac ka dhexeeya oo sannadkii 2019-kii ka badnaa $25 billion oo dollar.

Heshiiska labada dal ayaa yimid maalmo uun kadib markii UK iyo Midowga Yurub ay heshiis buuxa ka gaadheen inay kala furtaan kadib wada-hadallo socday sanado.

Wariyaha VOA-da qaarada Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaacil ayaa warbixintan ka soo direy magaalada London.

Dhegayso warbixinta