Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo Ciidanka Asluubta oo Xoolo fool-xumo sameeyey la wareegay

2

Hargeysa-(Berberanews)- Dawladda hoose ee Hargeysa iyo Ciidanka Asluubta ee Caasimadda ayaa ganaax ahaan ula wareegay Xoolo ay sheegeen inay fool-xumo ku sameeyeen Suuqyada magaalada.

Ku-xigeenka Duqa Caasimadda Hargeysa Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Xiirane, ayaa Lo’ ay sheegeen inay dhibaato ku haysay bilicda Caasimadda iyo nadaafadda magaalada Hargeysa maanta kula wareegay Xero-boon.

Masuuliyiintani waxay Xoolahan kula wareegeen Xero-boon Maxkamadda Degmada Hargeysa u dhaw oo muddo dheer lagu ururin jiray Xoolaha laga dhex ururiyo magaalada dhexdeeda. Xoghayaha Fulinta Dawladda hoose Mawliid Waris Cabdillaahi oo ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay ka ururinta caasimadda Lo’dan iyo sababta ay u wareejinayaan.“Runtii shuruudo ayaannu u dhignay dadka ku dhex dhaqda magaalada xoolaha ee ku soo dhex daaya. “Muddadaannu u qabanay iyo shuruudihii aannu ku xidhnay way jebiyeen, dadka xoolaha leh annaga oo tix gelinayna, waxaannu u dignay laba jeer oo aannu warbaahinta uga baahinay in aanay xoolahooda ku soo dayn suuqa, kadibna mar baannu soo ururinay, waanannu u dignay, dabadeedna waxaannu nidhi ha lagu nabo calaamad, saxeexna iyo ganaaaxna ha laga qaado, kadib qofka neefkiisu isaga oo dawladda hoose calaamadisay dib suuqa loogu dhex qabto in aannu wareejino ayaa naga go’an, maantana waxaannu halkan ugu wareejinayna ciidammada Asluubta sagaal neef.” ”.Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha fulinta dawlada hoose Mawliid Waris Cabdillaahi.

Waxa kulanka Lo’da lagula kala wareegay ka hadlay Maayarku-xigaanka Caasimadda Maxamed Cabdillaahi Uurcadde , ayaa caddeeyey in waajib tahay in la wareejiyo xoolahaas, xoolahan isaga oo ku eedeeyey dadka magaalada dhexdeeda ku dhex dhaqda xoolaha in ay caaddaysteen arrimahaas “Waqtigan caasimadda Hargeysa waxay maraysaa in dadka qaar kood u arko meel Lo’da lagu dhaqdo aad baannu uga xunahay, waana dhaqan xumo aad u liidata oo inagu soo badanaysa, waxaannu u sheegayna in waxa laga hadlaya uu yahay caafimaadkeeda iyo bilicda caasimadda, haddii ay dadkaasi xoolahoodii ilaanshan wayaan, waxaannu si sharciga iyo dawladnimada waafaqsan ugu wareejinaynaa ciidammada Asluubta, haddii ay qalanayaan iyo haddii ay dhaqanayaanba, maanta laga bilaabana waa hanta qaran.”

Sidoo kale, waxa gebagebadii halka ka hadlay Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Xiirane, ayaa isna si weyn u soo dhaweeyey xoolahan lagu wareejiyey waxaannu sheegay inaanay qalitaan kula degdegi dooni, balse ay ku dhaqi doonaan dhul beereedka Ciidammada Asluubtu ay ku leeyihiin galbeedka Gobolka Gabiley.

Dawladda hoose ayaa Khamiistii hore Xidhxidhay Xoolo kala duwan oo magaalada dhex saqaafi jiray, isla markaana fool-xumo badan ku hayey Suuqyada Caasimadda dalka, kuwaasoo isugu jiray Lo’, Geel, Adhi iyo Dameero. Hase ahaatee, waa markii ugu horreysay ee ay Dawladda Hoose la wareegto Xoolo noocan oo kale ah.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

2 COMMENTS

  1. denbiga ma lo´daa leh mise dadka xashiisha ku qubayaha mise dawladda
    hoose ee xashiishk GURTA, GANAAXA HA LA SAARO DADKA XASHIISHKA KU QUBA IYO DAWLADDA HOOSE EE XASHIISHKA QAADI WAYDAY.