Dawladda Itoobiya oo weeraro duqayn ah ka bilowday Gobolka Tigreega

0

Berberanews-Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa jimcihii sheegay in dowladdiisu ay qaaday weerarro cirka ah oo ka dhan ah xoogagga gobolka Tigreega ee sida weyn u hubeysan, isagoo caddeeyay in weeraradu ka dhaceen meelo badan “gabi ahaanba waxa la baabi’iyay gantaallo iyo hub kale oo culus” waxanu sheegay weerar aargoosi ah mid aan suurtagal ahayn.

dhawaaqa fiidnimadii kasoo yeedhay Abiy Ahmed waxay muujinaysaa kor u sii kaca isku dhacyada ee toddobaadkan oo khubarada u dhuundaloola sheegeen in mid ka mid ah waddamada Afrika ugu awoodda badan uguna dadka badan uu u rogi karo dagaal sokeeye.

Iskahorimaadka u dhexeeya xulafadii hore ee isbahaysiga talada dalka haya ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedku ay hadda isu midba ka kale ku tilmaamayso sharci darro ah.
Majiro wax khasaaro ah oo ka dhashay waxa uu Abiy ugu yeedhay “wareegii koowaad ee howlgalka” ee kadhanka ahaa dowladda gobolka, Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray. Wuxuu sheegay in ciidamada cirka ay burburiyeen hub culus caasimada Tigreega, Mekele, iyo deegaanada ku xeeran, isaga oo ku andacoonaya in kooxda TPLF “ay rabtay in ay adeegsato.”