Dawladda Soomaaliya oo Joojiyey Shir lagaga soo horjeeday Meel-marinta Dastuurka Cusub oo Muqdisho lagu qaban lahaa

0

Muqdisho-(Berberanews)- Ciidammada dowladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta is-hortaagay shir ay Muqdihso ku yeelan lahaayeen Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno kasoo horjeeda dowladda KMG ah, kuwaasoo uu ku jiray Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde).

Shirkan oo ahaa mid lagu doonayay in lagaga hadlo Dastuurka cusub ee ay Soomaaliya yeelanayso oo ay dawladdu waddo in la nasixiyo badhtamaha bishan May, isla markaana qaban-qaabada iyo safarrada ergooyinka Madaxda dhaqanka beelaha Soomaalida laga soo xulay si weyn looga dareemayo maalada Muqdisho.

Hase-yeeshee, shir dadka siyaasiyiinta iyo madaxda dhaqanka beelaha Muqdisho qaarkood oo ka biyo-diiday qodobbada Dastuurka cusub ee Soomaaliya qaarkood, ayaa wuxuu ka dhici lahaa maanta Hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, ciidammo badan la dhigay hoteelka si looga hortago inuu shirkaas qabsoomo, ayaa is hortaagay qabashada shirkaas.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka DKMG ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay amar ay ku joojinayso shirarka ka dhacaya Muqdisho ee aan lagu soo wargelin, waxaana shirkani noqonayaa kii ugu horreeyay ee ay dowladda Soomaaliya joojiso.

Xildhibaannada iyo Siyaasiyiinta shirkan waday ayaa waxay sheegeen inay ku qabsan doonaan maalmaha soo socda mid ka mid ah hoteellada Muqdisho shirkan ay kaga soo horjeedaan dastuurka oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid aanay dani ugu jirin dalka iyo dadka Soomaaliyeed, kana soo horjeeda Diinta Suubban ee Islaamka.

Toddobaadyadan ayaa waxa Muqdisho ka socday shirar ay yeelanayaan kooxo kasoo horjeeda dastuurka cusub, iyadoo dowladdu ku tilmaantay kooxahaas inay yihiin kuwo qas-wadayaal ah, isla markaa ay tallaabo ka qaadi doonta cid kasta oo isku dayda inay isbaaro u dhigtaan meel-marinta Dastuurka cusub.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.