Dayniile: 3 qof oo ku dhintay qarax lala beegsaday Masuul

0

MUQDISHO-(Berberanews)-Inta la xaqiijiyey saddex qof ayaa ku geeriyootay afar kalana wey ku dhaawacmeen qarax maanta barqannimadii lala eegtay mas’uul ka tirsan maamulka degmada Dayniile oo lagu magacaabo Mahad Sharaawe xili uu marayey agagaarka xarunta dagmadaasi.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa dhawaqeeda laga maqlay xaafadaha ku dhaw degmada Dayniile.

Sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen, saddexda qof ee ku geeriyootay qaraxa ayaa ahaa dad shacab ah oo marayey halka qaraxa uu ka dhacaya, halka afarta dhaawac ahna uu mid ka mid ah yahay askari ka tirsan ilaalada mas’uulka la badhtilmaameedsaday.

Laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin qaraxa, waxaana dhanka kale ilaa iyo minka aan jirin cid sheegatay masuuliyada weerarkaasi.

@VOA