“Dekadda Berbera si aan u isticmaalno gudaha Itoobiya waxaa laga wadaa mashaariic” Itoobiya

0

Itoobiya ayaa sheegtay iney adeegsaneyso dakadaha waddamada deriska la ah si ay uga kaaftoonto ku tiirsanaanta dakadaha Jabuuti oo keli ah.

Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin in ka badan 100 malyan oo dhul weyna ku fadhida ayaan lahayn dakad ay iyadu leedahay oo ay wax kala soo degto ama ay kadhoofiso.

Wasiirka Gaadiidka ee Itoobiya Daagmaawiit Moges oo FBC u warrantay waxay sheegtay dalka Itoobiya alaabaha uu dhoofiyo ama uu soodajiyo 99% inuu ku tiirsanaa dakadaha Jabuuti oo keli ah balse hadda la doonayo seddex dakadood oo kale oo ku yaalla waddamada deriska in uu dalka Itoobiya isticmaalo.

“Dakadaha aan isticmaalkooda bilaabeyno qaarkoodna aan horay billownay waxay kala yihiin Dekadda Berbera, Dekadda Lamu iyo Dakadda Port Sudan, isticmaalka dekadahaasina waxay keeneysaa ku tiirsanaantii dakadaha Jabuuti ee ahayd 99%, iney noqoneyso 89% meelahaa iyada oo dekadaha cusub ee aaan isticmaaleyno 8.8% ay kaalintooda noqoneyso” ayey tiri.

Itoobiya waxay dhawaan meel marisay siyaasaddeeda ku aaddan Logistika (Logistic Policy), waxaana lagu qeexay iney lagama maarmaan tahay Itoobiya iney dakad hesho inta ay dakad ka heleysana ay sii isticmaasho dakadaha waddamada Deriska la ah ee u dhow.

Itoobiyana waxay dhawaan heshiis seddex geesood ah la gashay Somaliland iyo shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo maalgashi ku sameynayo dakadda Berbera.

“Dekadda Berbera si aan u isticmaalno gudaha Itoobiya waxaa laga wadaa mashaariic isugu jira waddooyin isku xira Itoobiya iyo Berbera iyo tasjiilaadkii kale oo gacan ka geysanayo inaan dekadda Berbera si buuxda u isticmaalno. Shirkadda DP World waxaan la galnay heshiis ay ku kaceyso 1 balyan oo doolar, Adeegsiga Dekadda Laamuu dowladda Kenya heshiis ayaan kala galnay iyada oo dhawaan xarigga laga jaray waddooyinkii Itoobiya iyo dakadda isku xiri lahaa” ayey tiri.

Barafasoor Matiwos Insermo oo ka takhasusay cilmiga Logistika kana tirsan Jaamacadda Adiis Ababa wuxuu sheegay iney lagama maarmaan tahay Itoobiya iney Dekad ku hesho Iib, Gorgortan ama Kiro.

Dekadda Berbera si aan u isticmaalno gudaha Itoobiya waxaa laga wadaa mashaariic isugu jira waddooyin isku xira Itoobiya iyo Berbera iyo tasjiilaadkii kale oo gacan ka geysanayo inaan dekadda Berbera si buuxda u isticmaalno. Shirkadda DP World waxaan la galnay heshiis ay ku kaceyso 1 balyan oo doolar, Adeegsiga Dekadda Laamuu dowladda Kenya heshiis ayaan kala galnay iyada oo dhawaan xarigga laga jaray waddooyinkii Itoobiya iyo dakadda isku xiri lahaa” ayey tiri.

Barafasoor Matiwos Insermo oo ka takhasusay cilmiga Logistika kana tirsan Jaamacadda Adiis Ababa wuxuu sheegay iney lagama maarmaan tahay Itoobiya iney Dekad ku hesho Iib, Gorgortan ama Kiro.

Itoobiya oo shacabkeedu ka badanyahay 100 milyan oo qof , wuxuuna dalkani u baahanyahay in uu lasoo dego badeeco aad u badan, islamarkaasna dhoofiyo waxsoo saar kale sida bunka oo uu caan ku yahay, sidaas awgeed waxa uu ku qasbanyahay in la helo deked si sahlan loo isticmaali karo.

Muddo ka badan 30 sanadood, Itoobiya waxa ay isticmaalaysay dekada Jabuuti iyo dekeda Sudan, balse markan waxa ay Itoobiya qaadaysaa tallaabo ay kula wareegeyso saami dekadaha inta badan dalalka dariska.

2018-kii waxa uu muran weyn ka dhashay kadib markii dowladda Itoobiya boqolkiiba 19% laga siiyay saamiga dekada Berbera, waxayna tan ka dambeysay kadib markii shirkadda DP World iyo Somaliland wada galeen heshiis ay shirkadda ku maamulayso dekada.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in shirkadda DP World ay saamigeeda kasii iibisay Itoobiya, taasna ay xaq u leedahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inkasta oo aysan si toos ah uga hadlin saamiga Itoobiya, ayay gabi ahaanba ka hor timid heshiiska dekeda Berbera, iyada oo xitaa baarlamaanka uu meelmariyay xeer dalka looga mamnuucayo shirkadda DP World, islamarkaasna lagu laalayo heshiiska.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo 2018 maruu ka hadlayey Dekadaha isticmaalkooda wuxuu yiri: “biyahaasi aan dabiici ahaan ku helnay haddii aan dekad ahaan u isticmaalno maadaamaa uu u dhow yahay marin muhiim ah hanti badan ayaan ka heleynaa, annaguna wax kala iibsiga ina dhexmaraya lafteeda waxaa isku dhaafsan karnaa hanti aad u badan, Soomaliya, Kenya , Jabuuti iyo Eretiriyaba, waxaan noqoneynaa tira shacab oo gaadhaya kala badh iyo ka badan shacabka Mareykanka, waa shacab aad u badan”.

Madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya waxay 2018-kii ku heshiiyeen iney iskaashi dhaqaale oo dhinac walba leh ay yeeshaan iskaashigaasi oo uu ka mid yahay iney Itoobiya ay maalgeliso afar dakadood oo ku yaalla Soomaaliya si ay u itsicmaasho, balse dowladda Federaalka ayaa sheegtay iskaashi dhaqaale in lagu heshiiyey balse ay jirin heshiis laga gaaray Dekado ay itoobiya maalgashi ku sameyneyso

@Bbc Somali