Dekedda Berbera, Ethiopia iyo Imaaraadka

0

Ethiopia warkeedu ma cada oo waxa loo baahanyay inaan ka shaqayno sidii looga hortegi lahaa khatarta Ethiopia oo aynu xidhiidh la yeelano quwado kale oo miizaama sida Masar iyo Turkiga.

Waxaynu ognay inay Ethiopia gashay heshiis sadex gees ah oo dhex maray Ethiopia,  Eritrea iyo kooxda Farmaajo in ay is taageeraan iyo in ay xoog ku qabsadaan dekedaha Soomaaliya iyo Soomaaliland ba si ay ciidan bada ah saldhig uga dhigtaan. Waxa qorshahaa baajiyay dagaalka ka qarxay Ethiopia ee gobolka Tigray iyo xuduuda Soodaan oo nasiib wanaag inaga baajiyay weerarkii inagu soo maqnaa oo laga yaabo inuu soo noqdo. Ta kale Ethiopia kama hayno inay bixisay saamigii DPW ay kasiisay dekeda Berbera 19%.

Ethiopia waxay kaloo diiday inay qadiyadeena geyso ADAM s taasoo ku tusaysa inay toos ula socoto kooxda Farmaajo oo ugu balanqaaday inay u fasaxdo qabsashada dekeda Berbera.

 Ta kale sheekada ganacsiga Ethiopia ee lagu magacaabo jidka Corridorka waxba ka suurto gelimaayaan waayo jidkii isku xidhayay labada dal lama dhisin ee tii yarayd ee hore u jirtay ayaa kabid lagu sameeyay oo hadii baabur culis soo maraan si dhakhso ah ayay u burburaysaa iyadoo shilalkuna ay badandoonaan.

 Hadii la rabo in dekeda Berbera u adeegto Ethiopia waa in la sameeyaa dariiq weyn oo loogu talo galay gaadiidka culus-high way Road.

Waxa kaloo muuqata inaanay dowlada Imaaraadku aqoonsanayn ama aanay danaynayn Somaliland oo ka fadilayso Soomaaliya siday sheegtay marar badan ilaa iminkana inoomay soo dirin wafdi siyaasi ah oo heer waziir iyo wax la mid ah ee waxa inoo yimaada maareeyaha DPW oo aan lahayn sifo siyaasadeed ee metela sharikad caalami ah.Waxa taa cadaynaya dowlada Imaaraadku waxay Ethiopia dhowaan ugu deeqeen lacag gaadhaysa hal billion oo dollar oo loogu tala galay dhismaha hoose ee jidadka iyo bakhaarada kaydka iyadoo ay mudo shan sano ah ka cago jiidaysay inay kaabis ku samayso jidkii yaraa ee hore u jiray oo badhkii samaysnaa, taasina waxay ku tusaysaa jnaanay niyad u hayn inay Somaliland caawiso ama xidhiidh la yeelato. Waxa taa u daliil ah tartanka ay weli kula jirto Qadar ee xaga Soomaaliya.

Sidaa darteed waxa khalad ah inaan ka dhigno arinta DPW mid siyaasi ah iyadoo ku kooban arin ganacsi oo u gaar ah imaarada Dubai oo rabta inaan lala tartamin dekedaheeda.

Waxa kaloo muuqata in dowlada Imaaraadku ay ka cadhaysantay xidhiidhka dhow aan la leenay Geelaha Jabuuti oo uu dhexmaray dagaal qadhaadhi markii uu Geele joojiyay heshiiskii ay DPW la gashay.

Runtii lama fahmi karo xidhiidhka dhow ee ka dhexeeya MBC iyo Geele ee uu mar walba oo Jabuuti looga yeedho uu toos ugu tegeyo iyadoon wax go’aamo ah oo wax ku oola kasoo bixin kulamadooda, isla markiiba aanay Jabuuti raali ka ahayn madaxbanaanida Somaliland oo geed walba ay u fuushay siday inoo curyaamin lahayd iyadoo si toos ah ula safatay cadowgeena kooxda Farmaajo .

Markaa Somaliland waxa la gudboon in Ethiopia iyo Imaaraadka ba aan wada xaajood toos ula yeelano si xidhiidhka inaga dhexeeya loo qeexo oo weliba ay xukuumada Somaliland ku dadaasho sidii dowlada kale oo aqoonsiga inaga taageera aan samaysano oo aynaan isku halayn dowladaha geeska oo aan Somaliland ogolayn. Tusaalo ahaan waxa si buuxda looga faa,iidaysankara isbedelka ka socda geeska gaar ahaan dagaalka ka qarxay biyo xidheenka Niilka oo aan fursad ka heli karno aqoonsi iyo taageero dhaqaale/ciidan.

 Waxa ugu liidata inagoo iska fadhina dhaqdhaqaaq la,aan iyadoo shirqool inagu socdo.Waxan ka faa,iidaysankarnaa xaalada iminka ka taagan Xamar oo fursad inoo siin karta inaan olole diblomaasiyadeed ku qaadno Afrika iyo aduunka carabtaba aan kaga dhaadhicinayno qadiyadeena oo waqtigeedi taaganyay.

Somaliland guul iyo gobonimo

Goibjooge