Dekedda labaad ee Berbera. WQ Maxamed Sidiiq Dhamme

0

Dekedda labaad ee Berbera !

Cusbitaalka Berbera sariiraha kirada ah bukaanka waxa laga qaada $15 habeenkii, waxa ku yaal 14 qol, bukaanka shaqaalaha DPW ee la keeno waxa laga qaadaa $35, waxa baal socota kiro joogta ah oo sariir kasta habbeenkii lagu dallaco DPW $35 haddi bukaan jiifo iyo haddaanu jiifin waana biil bille ah. DPW waxay bixisaa 20 shaqaale gunnadood tiradaas lacagtu ma wada gaadho shaqaalaha waxa hela dad gaara, DPW waxay bixisaa mushaharka 4 dhakhatar laba ajinabi yihiin, labadaas muddo may shaqayn oo waxa la yidhi heshiiska dhammaaday lacagtooduna weli waa lagu dallacaa DPW. tusaale bukaanka shaqaalaha DPW 1 xabbo ee I.V Canole waxa la xisaabiyaa $5 dadka bukaanka kalena $1, Cusbitaalka DPW waxa kasoo gala lacag adag. qaybta carruurta 6 kalkaaliso 1 dhaktar ayaan mushar qaadan 11 bilood kaddib markii ay ka baxday Cusbitaalka haayaddi HPA. shaqaalaha oo ka tagay waxa lasoo celiyay 5 waxa diiday 2 shaqaale ah waxaan 4 habbeen xidhan 1 inan oo tacadiga mushar la’aanta wax ka qoray.

Qofka gaadhi kula dhaco Xamaas oo ka tirsan Bebera waxa dhaawiciisa loo soo celiyaa Hargaysa adeeg la’aan awgeed, waxa dhacda mararbadan in aan dhawaaca looga helin irbad dhiig joojin ah Cusbitaalka dhan, Jimcaha waxaad ku qasbantahay in Farmsiyada suuqa cid irbad ama Faleembo bukaanka ku xidha aad ka doonato oo aan la helin shaqaale ka dhex adeega, lacagta uu soo saaro Cusbitaalku shaqaalaha lagama siiyo gunno, waxay ku tiirsan yihiin badhkood mushaharka Wasaaradda Caafimaadka iyo haayado isbedbedela oo aan joogto ahayn. nadaafad ahaan wuu liitaa, dawadu waa iib, dhammaan adeegayada uu bixiyo Cusbitaalku waa lacag.

Waqtiyada xagaaga bukuunka xanuunka laga dabiibayo waxa kaga daran hanfiga iyo huurka cimilada madaam aan qaboojiye iyo marwaxad wax qaboojisaa ku xidhnayn, dadka waxa lala korjoogaa babis iyo biyo lagu rusheeyo, so joogta ah waxa u taga adeegga korantada dayac weyn ayaa dhex yaal Cusbitaalka guud ee Berbera oo ah magaalo xeebeed dhaqaale ahaan ka saraysa gobollo badan. Degmada Berbera waxay u bahaan tahay Cusbitaal iyo Caafimaad tayo leh oo ay ku nagaadaan.

Talo soo jeedin

1. In guddida caafimaad ee Gobolka Saaxil isbedel lagu sameeyo madaam aanay qaadan kaalintii loo baahan
2. In maamulka cusbitaalka dub u habayn lagu sameeyo
3. In lala xisaabtamo shaqaalaha oo lagu ilaaliyo waajibaadkooga
4. In dhaqaalaha cusbitaalka soo gala shaqaalaha laga siiyo gunno iyo mushahar dhiirigeliya
5. In la keeno dhakhaatiir takhuusa iyo shaqaale xirfad leh