Dhacdo na kala qabsatay Wiil uu dhalay Madaxwaynaha Somaliland

0

29 bishan aan ku jirno waxa Gobolka Gabiley soo gaadhay gaar ahaan dagmada Agabar, Madaxwaynaha Somaliland iyo wafti uu hogaaminayo oo safar dhulka ah kaga yimi dalka Jabuuti.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa waxa lagu soo dhaweeyay Dagmada Agabar xaflada soo dhawaynta madaxwaynaha oo ka dhaceay xarunta maamulka Dagmada ayaa halkaa waxa laga jeediyay hadalo kala duwan, goobtana waxa ku sugnaa warbaahin badan oo aan ka mid ahay anigu

Markay qudnadihii dhamaadeen waxaan isku daynay ka warbaahin ahaan inaan Madaxwaynaha su,aalo ka waydiino safarka uu kaga soo laabtay dalka jabuuti si aan bulshada ugu soo bandhigno waxyaabaha ay ka soo wada hadleen labada Madaxwayne ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Inta badan bulshada reer Somaliland ayaa u dhaqtaagaysay Safarka madaxwaynaha oo wararka qaar sheegayeen in labada madaxway ne kala sexeexdeen heshiish ceelal biyo ah Jabuuti kaga qodonayso Somaliland.

Hadaba si aan warkaa heshiishka aan u xaqiijino waxaan anigu isku dayay inaan madaxwaynaha su,aal waydiiyo lkn se madaxdii goobta joogtay ayaa su,aashii iga qabsaday waana iska daayay haba iga qabsadaan su,aasha madaxda goobta joogtaye.

Waxa mar kaliga soo booday Wiil uu dhalay madaxwaynuhu oo waftiga qayb ka ahaa isaga oo hadalka kor u qaadaya oo leh “Su,aal ma waydiin kartid”.

intaa ka dib wuuba ii yeedhay wiilka madaxwaynuhu oo lagu magacaamo Axmed Muuse Biixi waxana uu igu yihi “Waxaad iska leedahay Su,aal waxaa ha ula iman maalin danbe “uma jawaabin sobobta oo ah waxa uu watay ciidan aad u tiro badan oo isaga ka amar qaadanaya waxaan u baqay lafahayga in ay wax ii gaadhsiiyaan.

Hadaba waxa aan bulshada reer Somaliland waydiinayaa maanan wax u lahayd inaan madaxwaynaha Su,aal waydiiyo se ma waxaan u dooranaynay inuu madaxwaynuhu qoyskiisu wadanka xukumaan mise inuu isagu xukumo se sharcigu ma dhigayaa in Saxafi madaxwayne su,aal waydiinaya Wiil uu dhalay oo la socda uu u diido uguna hanjabo wax su,aal ah ma waydiin kartid.

Hore ayuu madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u balan qaaday inaanay qoyskiisa talada wadanka qayb ka noqon doonin lkn waxa is waydiin mudan maxaa xiligan madaxwaynaha qoyskiisa soo dhex galiyay oo ay bulshada doortay uga dhaxaynayaan

Sideed u argtaa muwaain?

Guuleed Ilka Case