Dhalinta Reer Berbera Samir Taagwa ayaan idiin dardaarmaya !!!

0

Shaqo la’aanta Baahsan ee Dhalinyarada Aqoonyahankaa ee Reer Berbera haysata, iyo Fursadaha shaqo ee sida joogtada Hargeisa looga soo shaqaalaysiinayo dad kale waa laba aan isqaban.

Waar dad kale meelo kale halaga soo Qoro maanu diidin lakiin in dhalinta bilaa Camalkaa ee magaalada Joogta Kolba wax lagaga daro ayey ahayd mar hadaan intay Xaq u lahaayeen aanay helayn….

Dp-world Shaqaalaheeda Xafiis Hargeisa oo aan la Aqoon ayaa laga soo Qoraa…

Saakana waxaa Hargeisa laga keenay Shaqaale ka hawl geli doona Madaarka Berbera….

Kuwii Dekeda Cusubna meel ay marayaan, iyo cid Qoraysa lama garanayo, lakiin maalinta dekeda iyagoo ka shaqaynaya la arko ayuunbaa lagu war heli doona….

Goobta keliya ee dhalinta Gobolka Saaxil ay Shaqo ka helaan waa Xurunta Dawlada Hoose Ee Degmeda Berbera goobtaasna hada tirada Shaqaalaha oo ka batay xadkii loogu talagalay ayey la liic liicaysaa.

Waa Goobta keliya ee laga helo xafiis sadex Qof loogu talagalay oo Sodon (30) Qof ka hawl galaan….

Waxaan ina Hagraday kuwii ay ahayd inay ina matalaan Xaqeena iyo Xuquuqdeedana inoo raadiyaan…

Ka bilaw
Wasiir Sacad Cali shire
Wasiir Abdullahi Abokor
Mayor Abdishakur Cidin
Mareeyaha Dakedaha Siciid Hassan
Golihii hore iyo Goloha hada oo aanu ka muuqan dhaq dhaqaaq hawshaas wax lagaga Qabanayo..
Gudoomiyihii Gobolka oo malaa isku haysta inuu Dadkale matalo…

Intaan hadli karaynay hadalbay, hada waxa keliya ee inoo furan waa in aynu magaalada u banayno dadkaa manfaceeda helaya inaguna gobolada kale wax ka raadsano.

Cuqubo halkii lagu galay caw ku hurudaa…
Ismaaciil Cali Icc