Dhalinyaradda Subeer Awal Oo Taageero U Muujiyay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE + Sawiro

0

Hargeysa (Berbera news) Ururka Dhalinyaradda beesha Subeer Awal ayaa xaflad ballaadhan oo ay ku taageerayaan musharaxa madaxweynenimo ee Muuse Biixi Cabdi ku qabsadeen hoteel Crowne magaaladda Hargeysa.
Boqolaal dhalinyaro ah oo ka soo jeedda beesha Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay si weyn u taageersan yihiin musharaxnimadda Muuse Biixi, isla markaana ay gaadhay wakhtigii ay dalka ka noqon lahaayeen madaxweyne.
 IMG_9418

Ugu horeyn Afhayeenka ururka beesha Subeer Awal Maxamuud Haaruun ayaa sheegay inay hoolkan iskugu yimaadeen dhalinyaro wada aqoonyahano ah, kuwaas oo si aqooni ku dheehantahay u sheegay aragtidoodda iyo ahmiyada weyn ee ay u hayaan xisbiga kulmiye, waxaanu sheegay inay nabadda cid ka jeceli aanay jirin si edeeb lehna u gudbinayaan fariintoodda.

IMG_9422

Gudoomiyaha ururka beesha Subeer Awal Cabdiraxmaan Xasan Aadan ayaa sheegay in madaxweynaha iyo umadda Somaliland u sheegayaan inay si aan kala hadhlahayn u taageerayaan Muuse Biixi, isla markaana dareenkooda iyo garaadkoodaba si madax banaan oo aanay cidi soo abaabulin u cadaynayaan taageeradoodda.

 IMG_9417

Ku xigeenka ururka Subeer Awal Cabdirashiid Maxamed Aadan ayaa isna sidoo kale tilmaamay ujeedadda ay halkan iskugu yimaadeen inay tahay inay muuujiyaan taageerada ay u hayaan musharaxoodda Muuse Biixi oo hiil iyo hooba la garab taagan yihiin.

IMG_9407

Xoghayaha ururkan Cabdikariim ayaa ka sheekeeyey afartii sanadood ee u dambeeyey ee madaxweyne taladda dalka hayey uu khilaafka kulmiye jiray, isla markaana cadeeyey in Cabdikariin Xinif oo taageersan garabka madaxweynaha uu sheegay in aanu xeerkan 14 ee KULMIYE marna awood siin gudoomiyaha xisbiga, haseyeeshee wuxuu sheegay in aanu Xinif aqoon ka tahay garasho la’aanta xeerkaasi waxa uu ka hadlayo, waxaanu sheegay in xeerka 14 ka hadlayo awoodda gudoomiyaha, isagoo shirgudoonkii shirka loo doortayna tilmaamay inay yihiin kuwo ka leexday shaqaddii loo igmaday.
“Horta khilaafkan kulmye afartii sanadood ee u dambeeyey wuu jiray khilaafka kulmiye oo wuxuu ka bilaabmay maalintii laga tallogalin waayey xukuumadda iyo xulisteedii, waxa jira inaad ku wareerteen shirgudoonkii shirka lagu doortay waxay shaqadeedu ahayd inay isku soo ururiyaan codadkii iyo xubnhii golaha dhexe si ay gudoomiyaha ugu soo gudbiyaan balse dhinac kale ayey la mareen, waxa dhowaan ka hadlay Xinif oo sheegay in qodobka 14 uu ku arki waayey awoodda gudoomiyaha, haseyeshee muu arki waayin ee wuu garan waayey oo aqoon bay ka ahayd ee waxaan u sheegayaa in qodob 14 ka hadlayo awoodda gudoomiyaha”ayuu yidhi Xoghayaha ururka Subeer Awal Cabdikariim

 IMG_9422

 

Faysal Maxamed Madar (Faysal Qumuj) ayaa sheegay in madaxweynaha sida uu doono ha u arkee ay tahay markoodii, isla markaana beesha subeer Awal kula heshiiyey inay shanta dambe isku soo sharaxan.

IMG_9453

 

“anagu ma nihin dad lagu guuri karo ee waxaanu nahay dad wax ku guura, qolada kula joogta hadii ay been ku sheegeen maanta anaga runta ku sheegayna oo kugu celinayna ee maanta waa markayagii cidii doonta ha ka xanaaqdo, madaxweynaha waa inay beeshiiisu qabata oo runta u sheegna, anagu cid ma caayeyno cidna ma af lagaadaynayno laakiin waxaanu u sheegaynaa uun in aanu maanta maalintayaddii tahay”ayuu yidhi Faysal Qumuj.

 IMG_9451
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay dhalinyaro iyo aqoonyahan ay ka mid ahaayeen Ayaan Muuse Ismaaciil, Cabdirisaaq Xasan Rakuub iyo dhalinyaro badan, kuwaas oo cadeeyey inay mawqifkoodu yahay inay taageeraan musharaxa madaxweyne ee xisbiga kulmiye Muuse Biixi, waxaanay sheegeen inay xisbiga kulmiye cidna uga cadhoodhayn ee ay hanti badan iyo dhiig badan ka qabo oo wakhtigii ay madaxweyne Siilaanyo taageerayaan dhalinyaro badan oo beeshani u godgashay, sidoo kale waxa ay tilmaameen in wasiirada ku garab roorayaa ay yihiin kuwii beelahooda kalsooni ka haysan ee wakhtigii doorashaddii baarlamaanka ku dhacay.

 IMG_9457

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay dhalinyaro iyo aqoonyahan ay ka mid ahaayeen Ayaan Muuse Ismaaciil, Cabdirisaaq Xasan Rakuub iyo dhalinyaro badan, kuwaas oo cadeeyey inay mawqifkoodu yahay inay taageeraan musharaxa madaxweyne ee xisbiga kulmiye Muuse Biixi, waxaanay sheegeen inay xisbiga kulmiye cidna uga cadhoodhayn ee ay hanti badan iyo dhiig badan ka qabo oo wakhtigii ay madaxweyne Siilaanyo taageerayaan dhalinyaro badan oo beeshani u godgashay, sidoo kale waxa ay tilmaameen in wasiirada ku garab roorayaa ay yihiin kuwii beelahooda kalsooni ka haysan ee wakhtigii doorashaddii baarlamaanka ku dhacay.

IMG_9394

Si kataba ha ahaatee, munaasibadan oo dhalinyaro badani iskugu timid ayaa si wanaagsan ku soo gabogabowday, isla markaana nabad ku soo dhamaatay, waxaana isaguna dhalinyaradaasi siday u hadashay iyo nabadgalyada ku soo gabogabeeyeen ugu hambalyeeyey dhalinyarada mulkiilaha hoteel Crown Cismaan Hindi.

 

 

IMG_9397

IMG_9443IMG_9438

IMG_9459

IMG_9468

 

 

Berbera news/Hargeysa .