“Dhallinyarada berbera waxay xaq u leeyihiin shaqo kasta oo ..” Xildhiban Berberata

0

Hargeysa-(Berberanews)-Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf (Berberata) oo ka mid ah xildhibannada Golaha Deegaanka Berbera ayaa ka hadlay cabasho dhallinyarada Berbera ka muunjiyeen fursadaha shaqo ee ka soo baxa magaalada oo laga qadiyay.

Xildhibaanku waxa uu sheegay inaanu ka warqabin shaqaale hoos loo qoray, balse ka gole deegaan ay u kuurgelayaan arrinkaas.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in dhallinyarada Berbera xaq u leeyihiin shaqo kasta oo ka soo baxda Gobolka. “Dhallinyarada berbera waxay xaq u leeyihiin shaqo kasta oo kasoo baxda Gibolka” sidaa waxa yidhi Xildhiban Berberata oo u warramaya MM TV.