Dhan walba Ciidan ayaa nalaga dhigay”Madaxweynaha Puntland

0

Muqdisho(Berberanews)-Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, Siciid Cabdullaahi  Deni, oo waraysi siiyay Idaacadda BBC, sheegay in dhinac walba laga dhigay ciidamo, isla markaana lagu hareereeyay goobta shirka lagu qabanayo ee xerada ku taal garoonka Aden Cadde.

“Muddadii aan joognay waxaan wadahal la yeelanay beesha caalamka iyo dad badan oo Soomaali ah oo ay ugu muhiimsan yihiin madaxdii hore oo hadda ku midaysan Midowga Murrashaxiinta.” Ayuu yidhi, Deni.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Muddadii uu joogay Muqdisho aannay jirin dhinaca xukuumadda cid ay iska arkeen, sidaa awgeed wuxuu ku dooday in ay arrintaasi muujinay in aannay xukuumaddu diyaar u ahayn in aan kulano.

“Shirka berri furmaya ilaa hadda wax arsmi oo aan ognahay ma jirto, balse waxaa taas ka sii daran,  maxaan ka qaybgalaa meeshii aan amniga bidaynay ee AMISOM, tidhi, “annagaa amnigeeda sugayna” ee Beesha Caalamka nagu casuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febearwry” ayuu yidhi, Deni oo u waramay laanta Af-soomalaiga ee BBC.