“Dhaqanka gudaheena ka soo baxaya wuxuu noqonayaa mid ka farxiya cidda Somaliland xumaanta la rabta.”Saleeban Cali Koore

0

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleban Yusuf Cali Koore, ayaa sheegay in dhaqanka Siyaasadeed ee gudaha Somaliland ka socdaa u noqonayo mid ka farxiya cid kasta oo neceb Somaliland iyo jiritaankeeda.

“Dalkani wuxuu u baahanyahay inaynu hore u dhaqaajino, runtii jawiga qaabka siyaasadeed iyo qaabka hadaynu Somaliland nahay u noolahay, iyadoo waayaha iyo wakhtigu uu dhinacyo badan leeyahay oo mandaqadda wax badani ka socdaan, xaaladda Somaliland la qiimaynayo. hadana hadallada iyo dhaqanka gudaheena ka soo baxaya wuxuu noqonayaa mid ka farxiya cidda Somaliland xumaanta la rabta.”Sidaa waxaa yidhi Wasiir Koore oo ka hadlayay shir lagu qabtay Xarunta Wasaaradda.
Mr. Koore wuxuu hoosta ka xariiqay in dalku u baahanyahay tudhaale laga rabo dadka siyaasiyiinta ah “Laakiin dalkani tudhaale ayuu u baahanyahay, haddii masuulku tudhaale yeelan waayo, qofka la dhegaysanaya waayaheeda iyow akhtigeeda ayay noqonaysaa.”
Halkan ka daawo khudbadda Wasiirka oo dhammaystiran.