DHEGAYSIGII DACWADDA WARGEYSKA HAATUF: DOODII BAASHE CAWIL IYO SU’AALIHII QAREENNADU KU BOOBEEN

0
Hargeysa-(Berberanews)-Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa maalintii labaad u fadhiisatay dhegaysiga dacwadda loo haysto wargeyska xayiran ee Haatuf, iyadoo ay Maxkamadda hortageen Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha wargeyska- Mr. Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige.

Fadhiga dacwadda oo dhacay maalintii Axadda, waxa sidoo kale Maxkamadda horyimi Mr. Baashe Cawil Xaaji Cumar oo ka mid ah masuuliyiinta ka dacwooday wargeyska Haatuf, isagoo Maxkamadda horteeda ka sheegay in wararka wargeysku ka faafiyey yihiin qaar been abuur ah, isla markaana gef ku ah qofnimadiisa.

Baashe Cawil iyo masuuliyiinta xidhan ee wargeyska Haatuf

“Waxyaabaha sharaf iyo sumcad dilid ee uu wargeyska Haatuf uu iga qoray, waxa ka mid ahaa bishii April ee sannadkan 2014 wuxuu wargeyska qoray war ku saabsan oo ciwaan looga dhigay ‘Wiil uu Madaxweynuhu Sodog u yahay oo 19 Mashruuc tuuladiisii uu geyey isaga oo waata Sagaal Wasiir.’ Qoddobkaasi waa qoddob ka mid ah qoddobada aan Jaraa’idka Haatuf ku soo dacweyey aniga oo ah Muwaadiin Somalilander ah oo shicib ah, runtii arrintaas uu wargeyska Haatuf iga qoreyn may ahayn mid sal iyo raad toona ah leh, waana been cad, waxa mashaariic ah oo aan tuladayda geeyeyna ma jirto, mana jirto wasiirro aan kaxaystay, awood aan ku kaxaystana ma lihi, laakiin, waxay ahayd mid aniga toos la ii soo abaaray oo sharaftayda shakhsiyan in lagu dilay ay tahay, wasiirraduna ay ahaayeen wasiirro dawladda Somaliland ka socday, marka waxaan leeyahay arrintaas ay iga qoreen caddeynteeda iyo halka ay ka keenen Maxkamadda ha horkeenaan,” ayuu yidhi Baashe Cawil oo Maxkamadda Gobolka Hargeysa  horteeda iskaga difaacay warar wargeyska Haatuf hore uga qoray, kuwaasoo qayb ka ahaa in wargeyska la xayiro, lana xidho guddoomiyaha iyo tifaftiraha wargeyskaas.

 

“Qoddobka labaad ee wargeyska Haatuf uu iga qoray waxa uu ahaa mid ku soo baxay Bishii April 4-teedii oo ahayd aniga oo ah Baashe in aan warqad ka sito Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh oo ah mid aan ganacsiga Somaliland iyo Soomaaliya aan ku matalayo, marka arrintaas laftigeeda waxaan Maamulka Wargeyska Haatuf, Guddoomiyaha iyo Tifatirahaba ka codsanayaa in ay arrintaasi caddeeyan ee ay leeyihiin wuxuu haystaa warqad.  Qoddobka saddexaad ee Haatuf uu iga qoray waxa weeyi qoraal lagu qoray Bogga Haatuf.net oo ay yidhahdeen laba Milyan oo lacag ah oo hore looga qabtay oo dib loogu soo celiyey, iyada oo lacag faalso ah ay dawladda Kenya ay u soo celisay, waxaanan leeyahay warkaasi sal iyo raad toona ma laha, waxa lacag ah oo layga qaadayna ma jirto.” Waxa kale oo Baashe Cawil ka hor sheegay Maxkamadda in uu saddexdaas qoddob in ay soo bandhigaan caddeymihii wararka ay ka qoreen.

Intaas kadib, Xeer-ilaalinta ayaa Baashe Cawil weydiiyey su’aalo la xidhiidha dacwadda wargeyska Haatuf, iyagoo si gaar ah u su’aalay inay jirto waxa dhibaato ah oo hore u dhexmartay isaga iyo Yuusuf Cabdi gaboobe, waxaannu ku jawaabay in aanay jrin wax dhibaato ah ama dagaal ah oo dhexmaray, iyadoo sidoo kale la waydiiyeen in uu garanayo sababta ka dambaysa in wargeyska Haatuf ka qoro wararka uu ka cabanayo, isagoo sheegay in aannu arrintaas garanayn, balse ay fiican tahay in la weydiiyo Yuusuf Cabdi Gaboobe.

Qareennada difaacayey masuuliyiinta wargeyska xayiran ee Haatuf, ayaa su’aalo kala duwan weydiiyey Baashe Cawil, iyadoo arrimaha wax laga weydiiyeyna la xidhiidheen wararka iyo qoraalada uu dacwadda ka gudbiyey ee lagu daabacay wargeyska.

Waxa la weydiiyey su’aal ahayd; ‘weligaa ma tagtay Xamar.’ Isagoo ku jawaabay in aannu weligii arag Muqdisho. Waxa kaloo la weydiiyey su’aal ahayd; ‘Wargeysku magacaafa ma sheegin, waxaananu qoray in wiil madaxweynuhu sodog u yahay uu degaankiisa geeyey mashaariic laga fuliyey. Maxaad ku caddaynaysaa in warkaasi adiga kugu saabsanaa? Waxaannu ku jawaabay in aannu jirin qof kale oo madaxweynaha la xiddid ah oo deegankiisa mashaariic laga fuliyey maalinta warkaasi ku baxay wargeyska, sidaas darteedna qofka warka laga qoray isaga yahay, isla markaana ay jiraan maqaalo hore wargeyska Haatuf uga faafiyey, warka mashaariicda la xidhiidhaana yahay mid kuwaas hore daba socday.

Baashe Cawil oo sidoo kale ka jawaabayey su’aal looyarradu weydiiyeen oo ahayd; ‘Waxa uu hadda qabto ama ka shaqeeyo.’ Waxa uu sheegay inuu yahay nin ganacsade ah. Waxa kale oo la weydiiyey in hantida uu leeyahay ahayd wax sugan ka hor intii aannu Axmed Siilaanyo dalka madaxweyne ka noqon, isagoo ku jawaabay in hantidiisu sugnayd, isla markaana ahaa nin iskii u shaqaysta, hanti iyo guryana lahaa, waxaannu xusay inuu caddaymaha arrintaas hayo, haddii loo baahdana Maxkamadda horkeenni karo.

Looyaradda u difaacaya masuuliyiinta Wargeyska Haatuf, ayaa sidoo kale Baashe Cawil weydiiyey su’aalo ahaa; “Ma noo sheegi kartaa sababaha aad ugu safarto caasimadda Kenya.” Waxaannu ku jawaabay; “Waan ku sheegi karaa oo Nairobi waan tagaa, reerkayga ayaana degen.”

Sidoo kale, waxa qareennadu weydiiyeen su’aal ahayd; “Ma jirtaa in aad magaalada Nairobi ka iibsatay guri ay lahayd safaradda Najeeriya.” Waxaannu ku jawaabay in aannu jirin habayaraatee wax guri ah oo uu ka iibsaday dalka Kenya, balse uu ku nool yahay Nairobi, isla markaana degan yahay guri kiro ah, haddii loo baahdana uu soo bandhigi karo heshiiskii uu guriga ku kiraystay.

Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa markale dhegaysiga dacwadda loo haysto wargeyska Haatuf u muddaysay Sabtida soo socota.

Xigasho Jamhuuriya