Dhul go’ay oo soo saaray maydadka boqollaal qof

0

Boqolaal naxash ah ayaa ku daadatay xeebaha badda ku taalla waqooy galbeed Talyaaniga kadib markii Isniintii dhul go’ uu kala dhantaalay qubuuro 100 sano jiray.

Muuqaallo laa baahiyay ayaa muujinayaa shaqaalaha gurmadka deg degga ah oo baadigoobayo naxashyo lagu qiyaasay 200 oo ay qaadeen daadad ku dhuftay deegaanka Camogli oo u dhaw magaalada Genoa.

Sidoo kale biyaha waxay qaadeen labo macbad oo ay lahaayeen dadka kiristaanka ah oo ku yaallay agagaarka qabuuraha.

Guddoomiyaha degmada uu saameeyay dhul go’a ayaa warbaahinta u sheegay in’ masiibo aan la fileyn’ ay ku habsatay deegaanka.

“Burburka noocan ah ee maanta dhacay wey adkeyd in la ogaado ama lasii saadaaliyo” ayuu yiri Francesco Olivari oo ah duqa magaalada Camogli xilli uu la hadlayay warbaahinta CNN.

Shaqaalaha ayaa ku warramay in horraan ay arkeen dil-dilaaca buurta ku taalla deegaanka maalmo ka hor inta uusan dhicin dhul go’a, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta dalkaas.

“Goobta ay wax ka dhaceen ayaa la xiray maadama laga cabsi qabo in dhul go’ kale uu ka dhaco” waxaa sidaas yiri Tino Revello oo ka tirsan dowladda hoose, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Talyaaniga ee Ansa

Shaqaalaha dab damiska iyo ciidamada ilaalada xeebaha ayaa ka qeyb qaadanayaa howlaha lagu baadigoobayo naxashyada.

Ku dhawaad 10 kamid ah naxashyada ayaa la helay, sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan dowladda hoose.

Xigasho Bbc Somali