Di Matteo Oo Doonaya Inuu Bayern Kala Midoobo Dagaalka Ay Ugu Jiraan In Ganaaxa Laga Qaado 6 Ciyaaryahan.

0

Germany (Berberanews Sports):- Tababare Roberto Di Matteo ayaa ku faraxsanaan lahaa hadii ay la midoobaan Bayern Munich si ay uga codsadaan UEFA inay ganaaxa ka qaadaan lixda ciyaaryahan oo seegaya finalka Champions League.

Di Matteo ayaa qirtay inay dhib noqon doonto in UEFA laga dhaadhiciyo inay bedelaan sharcigooda ka hor finalka ka dhacaya Allianz Arena, lakiin waxa uu isku diyaarinayaa inuu dagaal u galo isagoo rajeynaya inuu caawimaad ka helo Bayern Munich si looga qaado ciyaartoyda ku maqan ganaaxyada huruuda ah.

Ururka ay ku mideysan yihiin ciyaartoyda adduunka ee FIFPro ayaa ugu baaqday UEFA inay ganaaxa ka qaadaan lixda ciyaaryahan oo min seddex ka mid ah ay ka socdaan labada kooxood, lakiin UEFA ayaa iska dhegatirtay baaqooda.

UEFA waxa ay sheegtay khamiistii in aanay qorshaha ugu jirin inay bedesho sharcigeeda ganaaxa ka hor finalka 19ka May.

Bayern iyo Chelsea ayaa laga yaabaa inay cod isku mid ah kula hadlaan UEFA si naxariis loogu sameeyo labada kooxood, waxaan mar la weydiiyay Di Matteo hadii uu Bayern kala hadli doono inay ku midoobaan codsigaas waxa uu ku jawaabay:

“Hadii ay jirto suurtogalnimo aan ku sameyn karno, waan ka fiirsan doonaa dabcan”

“Lakiin waxaan qabaa inay adkaan doonto in UEFA ay inaga aqbasho”

Chelsea ayaa ganaax huruud ah waxaa kaga maqnaan doona Ramires, Meireles, iyo Ivanovic, halka Bayern Munich ay ka maqnaan doonaan Holger Badstuber, David Alaba iyo Luiz Gustavo

John Terry ayaa isna ganaax casaan ah ku seegaya finalka Champions League.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports