Dib u habayn ballaadhan oo lagu sammeeyay Shirkadda African Express Airways

0

Hargeisa-17/02/2019(http://Berberanews)-African Express Airways Hargeisa). Maamulka shirkadda diyaaradaha ee African Express Airways, xafiiskeed Hargeisa, ayaa dib u habeyn casri ah kuugu sameeyay adeega duulimaadka shirkadda oo afar maalmood ugu kala gooshta Hargeysa, Nairobi iyo Muqdhiso todobaad kasta. Maamulka gagada caalamiga ah ee Cigaal International Airport ayaa amaan iyo Mahadnaq gaar ah u jeediyay adeegyada hufan iyo shaqowanaaga shirkadda African Express Airways ay u ka hirgalisay gagada diyaaradaha ee Hargeysa iyo dhamaan rakaabka boqolaalka qof ah ee ku duula African Express isbuuc walba sida uu ku sheegay warbixin kooban maamulka shirkadda African Express Airways ee Hargeys.


Maqaal-Shirkada-African-Express-Airways-Hargeisa-Office
Maalmaha Dulimaadka shirkadda-African-Express-Airways
Sida muuqata, shirkadda African Express Airways waxa ay saameyn laxaad leh iyo horumar la taaban karo ka sameeysay loolanka tartan ee loogu jiro fursadaha suuqeynta ee shirkaddaha dulimaadka diyaaradaha ee soo caga-dhigta gagada caalamiga ah ee Cigaal – Hargeysa, taas oo mudooyinkii ugu dembeeyayba shirkadda African Express Airways ay hogaanka u hayso.

Maqaal-Shirkada-African-Express-Airways-Hargeisa-Office (1)
Tayada Saraakiisha iyo Hawl-wadeenada Shirkadda African Express Airways

Isniin kasta Nairobi ilaa Hargeysa Saalisa kasta Hargeysa ilaa Nairobi Khamiis kasta Nairobi ilaa Hargeysa Jimce kasta Hargeysa ilaa Nairobi
Sida muuqata, shirkadda African Express Airways waxa ay saameyn laxaad leh iyo horumar la taaban karo ka sameeysay loolanka tartan ee loogu jiro fursadaha suuqeynta ee shirkaddaha dulimaadka diyaaradaha ee soo caga-dhigta gagada caalamiga ah ee Cigaal – Hargeysa, taasoo mudooyinkii ugu dembeeyayba shirkadda African Express Airways ay hogaanka u hayso.


Tayada Saraakiisha iyo Hawl-wadeenada Shirkadda African Express Airways

Shirkadda African Express Airways – xafiiska Hargeysa, ayaa waxa uu ku guulaystay nidaamka
tayaynta saraakiisha iyo hawl-wadeenada iyada oo fursado qaali ah shirkaddu u heshay in ay
ka mid noqdaan xeel-dheerayaal aqoon iyo khibrad sare u leh maamulka, maaraynta iyo hawlgalka shaxaynta shaqo iyo adeeg bixinta la xidhiidha dhinaca dulimaadyada diyaaradaha,
saraakiishaas oo intooda badan ku soo diyaariyeen tacliintooda waxbarasho dalalka dibadaha
sida Maraykanka, UK, India, Malaysia iyo Pakistan.