Didier Drogba Iyo David Luiz Oo Dhaawac Ku Seegi Doona Kulanka Arsenal v Chelsea.

0

(Berberanews Sports):- Ciyaaryahan Didier Drogba ayaa seegi doona kulanka Premier League ee ay kooxdiisa berri ugu safri doonto kooxda Arsenal, waxaana sidoo kale uu shaki ku jiraa inuu ciyaari karo kulanka Champions League ee Barcelona todobaadka soo socda.

Weeraryahanka ayaa dhaawac uu ka soo gaadhay jilibka kulankii arbacada ee lugta hore ee semi-finalka Champions League oo ay guul ka gaadheen Barcelona, waxaana xaaladiisa la qiimeyn doonaa salaasada soo socota hadii uu ciyaari karo kulanka lugta labaad.

Tababaraha kooxda Blues Roberto Di Matteo ayaa ku xaqiijiyay shirkiisa jaraa’id ee maanta in Drogba aanuu ciyaari doonin kulanka muhimka ah ee Premier League ee ay Emirates Stadium kula ciyaari doonaan Arsenal, iyadoo la filayo in Fernando Torres uu buuxin doono booskiisa.

David Luiz oo dhaawac ku seegay kulankii Barcelona ayaa weli ku maqan dhaawac, waxaana isna la xaqiijiyay in aanu ka qeyb qaadan doonin kulanka berrito ee derby London.

Tababare RDM ayaa waxaa dhaawacyada kooxdiisa soo gaadhay u sii dheer Branislav Ivanovic oo ganaax ku maqnaan doona kulankiisii labaad ee seddexdii kulan ee la ganaaxay.

Mustafe Maxamud “Kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports