Diego Maradona Iyo Taageerayaasha Kooxda Al Shabaab Oo Isku Dhacay.

0

(Berberanews Sports ‘Latin America’):- Diego Maradona ayaa waxaa qolka labiska u kaxeeyay Boliis ka dib markii ay xalay isku dhaceen taageerayaasha kooxda Al Shabaab.

Ka dib markii kooxdiisa Al Wasl looga badiyay 2-0, taageerayaal Argentine ah ayaa ka daawanayay ciyaarta fadhiga martida waxaana ay ereyo aflagaado ah isweydaarsadaan taageeraaysha kooxdii guusha gaadhay ee Al Shabab. Taageerayaasha khaaska ah ee reer Argentina waxaa ku jirtay xaaska Maradona.

Waxaana doodii ay la galeen taageerayaasha kooxda ka soo horjeeda uu keenay isqabqabsi badan, Maradona ayaa ku soo cararay halka ay fadhiyeen martidiisa si uu uga dhiciyo taageerayaasha ay isku dhaceen. Boliiska ayaa durbadiiba soo galay, waxaana si nabad ah loo kaxeeyay Maradona iyo martidiisa khaaska ahayd.

“Taageerayaasha Al Shabaab waa fulayo” ayuu Maradona u sheegay Gulf News. “Waxa ay weerarayaan kaliya haweenka, mana lahan geesinamada ay kaga horyimaadaan raga”

“”Waan aqbaleynaa wax walba oo kubada cagta ku saabsan, lakiin ma aqbaleeno nin u dhaaranaya haween”

“Waan aqbalayaa guuldarada lakiin kuma faraxsani waxa ay sameeyen taageerayaasha” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Taageerayaasha ka cadhooday talaabadeyda waa inay ogaadaan inaan difaacayay kaliya xaaskeyga, waxaan kaliya ka soo horjeeda dadka sida tooska ah u aflagaadeynaya xaaskeyga”.

Mustafe Maxamud “kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports