Diiwaangelinta codbixiyayaasha oo ka bilaabantay Togdheer

0

Diwaagelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ayaa maanta ka bilaabantay gobolka Togdheer, waxaana goobaha codbixiyeyaasha lagu diwaangelinayo booqday masuuliyiin ka tirsan guddida Doorashooyinka, asxaabta qaranka iyo xukuumadda.

Marwo Kaltuun Sh. Xasan oo hogaaminaysa xubnaha guddida Doorashada ee howsha fulinaya ayaa faahfaahin ka bixisay qaabka iyo qorshaha Diwaangelinta.

Guddoomiyaha iyo Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI, Guddoomiyaha Xisbiga UCID iyo guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ayaa ayaa iyaguna bulshada ku booriyey in ay is-diwaangeliyaan si ay doorashada uga qaybqaataan.

Halkan ka Daawo: