Djibouti oo dalkeeda ka saartay Fahad Yaasiin iyo diyaaraddii siday

0

Djibouti-(Berberanews)-Dowladda Djibouti, ayaa dub uvu celisay dalka Turkiga diyaaraddii ui saarnaa La-taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee Amniga Fahad Yaasiin iyo rakaabkii ku weheliyayba.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa goor sii horraysay ka hadlay qorshaha ay ku celinayaan diyaaradda siday Fahad Yaasii.

War qoraal ah oo uu wasiir Maxamuud Cali Yuusuf uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in dhamaan rikaabkii saarnaa diyaarada ay dib ugu laabanayaan dalka Turkiga, islamarkaana waxuu sheegay ineysan waxba ka jirin warar lagu faafiyay baraha bulshada.

“Dhammaan rakaabkii saarnaa dayuuraddii Turkish Airways ee maanta ee Muqdisho u socotay ay ku noqon doonto Istambul si ay u raacaan duullimaad kale oo Muqdisho u socda” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf.

Wasiirku wuxuu sheegay inaanay faragelin ku samayn doonin xadaradda siyaasadeed ee ka taagan gudaha Somalia.