Donald Trump oo qaaddacay Natiijada Doorashada

0

Madaxweyne Donald Trump, ayaa si cad u qaadacay Natiijada doorashada Maraykanka ee uu ku guulaystay murrashaxa xisbiga Dimuqraaddiga Mr. Joe Biden, isagoo tilmaamay in qaab been-abuur ah loogu dhawaaqay natiijada doorashada iyo cidda ku guulaysatayba.
Hadal qoraal ah oo uu soo saaray Donald Trump, waxa uu ku sheegay inuu laga bilaabo maalinta Isniinta uu bilaabi doono dagaal iyo loolan dhinaca sharciga ah, salkana aannu dhulka dhigi doonin ilaa inta uu hubinayo in si caddaalad ah oo sharciga waafaqsan dib loogu tirinayo codadka ay dhiibteen muwaadiniinta reer Maraykan, si cidda sifaha saxda lagu doortay ay ugu fadhiisato kursiga looga taliyo Maraykanka.
Waxa kaloo uu qoraalkiisa ku sheegay in doodiisu ay tahay in si codadka loo tiriyo si waafaqsan hannaanka dimuqraadiyadda Maraykanka, waxaannu Madaxweynaha la doortay Mr.Joe Biden ku eedeeyey inuu ka soo horjeedo mabaadii’da saxda ah ee hannaanka doorashada, isagoo Donald Trump sheegay in ninka la tartamay uu jecelyahay in la tiriyo codadka aan sifaha sharciga ah loo dhiiban, codadka xaaraanta iyo sharci-darrada ah, codadka dadka dhintay, waxaannu nuxurka hadalka Donald Trump uu ku soo ururayaa inuu maxkamadaha u gudbinayo dacwado ka dhan ah natiijada doorashada iyo guusha Madaxweynaha la doortay Mr. Joe Biden.
Halkan hoose ka akhri qoraalka Donald Trump oo dhamaystiran.

https://www.donaldjtrump.com/media/statement-from-president-donald-j.-trump/

Wq Maxamed Cirro