Donald Trump oo shaqada ka caydhiyay Xoghayihii difaaca

0

Berberanews-Madaxweyne Donald Trump ayaa shaqada ka eryay Xoghayaha Difaaca Mark Esper, isagoo ku shaaciyay Twitter-ka in sarkaalka ugu sareeya Mareykanka shaqada laga joojiyay.

Christopher Miller, oo hadda ah madaxa Xarunta Qaranka ee La-dagaallanka Argagixisada, ayaa si dhakhso leh u la wareegi doona xilka.

Arrintan waxay daba socotaa khilaaf dhex maray Mr Trump iyo Mr Esper toddobaadyadii la soo dhaafay.

Mr Trump ilaa iyo hada muu ogolaanin doorashada Mareykanka madaxweynaha la doortay Joe Biden, wuxuuna wacad ku maray inuu maxkamada ka hor geyn doono natiijada la saadaalinayo.