Dooda Barlamanka (Parliament-ka) Gambia ee qadiyadaSomaliland.

0

Marka hore waxaan xukuumada Somaliland uguhanbalyaynayaa guusha ay ka soo hoysay arimaha dibada, khasatan xidhiidhka iskashiga Somaliland iyo Twain. Waxaanqabaa in ay Somaliland ay faa’iido dhan dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ka heli doonto. Mida kale, Shiinahu waa dal cadaystay tageerada dawlada Federalka ah, marka in dhinaca ay is hayan raacno way inoo fiican tahay. Teeda kale, Twain iyodawladaha reer galbeedka, oo uu hormood u yahay dalkaMaraykanku waa xulofo aad iskugu dhaw, maanta maalin ay iskaga dhawyihiina ma jirto. Marka dagaal qabow ayaabilaabmay marka in ay dhinac siyaasadeenu la jaanqadi karto in ay doorano waa mid aad u mihiim ah.

Marka labaad, Parliament-ka Gambia ayaa July 1 ka doodayayqadiyada Somaliland.  Isla maalintay dawlad Somaliland iyoTwain ay ku dhawaaqeen iskashiga labada dal. Mida kale, december 2019 wafti wasiirka arimaha Somaliland hogaaminayoayaa tagay Gambia.

Teeda kale, laba wiig ka hor ayaan qoray, qoraal aan kagahadlayay in Ictiraafkeena ka radino dalalka marxaladaheena ookale soo maray, sida Gambia iyo Senegal. Senegal iyo Gambia waxay ahaayeen laba dal oo kala madax banana midoobay 1982, kala baxayna 1989.

Haddaba, marka aan dhagaystay dooda golaha Parliament-ka eeGambia, waxan ka fahmay in ayna xog badan ka hayninqadiyada Somaliland. Marka laga reebo, warbixin 2005 UrurkaMidawga Afrika ka soo sareen qadiyada Somaliland.

Wasiirka arimaha dibada dalkaasi mudane Tangara, ayaagolahani ka cadeeyay in dawladiisa Ictiraafsan tahay oo kaliyadawlada Federalka Somalia. Marka waxaa laga yaba in aanuwasiirku ka war haynin ama isdiidsiinayo in Somaliland ayna ka mid ahayn dawlada Federalka. Waxaa kale uu wasiirkanisheegay in ay manta (July 1) ay tahay maalinta xoriyadaSomalia, oo uga jeedo (midawga dawlada Somaliland iyoSomalia). Lakiin waxaa qabaa in aanu ka warqabin in Somaliland xoriyada heshay Jun 26.

Haddaba, dooda dadka ka so horjeeda qadiyada Somaliland waxaa ku so ururta:

1) Arintani waa mid ka dhaxaysa Somalida.

2) Qadiyada Somaliland iyo Somalia waa min u taala UrurkaMidawga Afrika iyo Qaramada Midawga. Iyo

3) In Ictiraafka Somaliland ahayn mid dani ugu jirinGambia/dalkeena.

Hadaladani kuma koobnayn oo kaliya wasiirka arimaha dibadaGambia, lakiin waa hadalada ay yidhaahdaan kuwa ka soo horjeeda Ictiraafka Somaliland.

Sida daradeed, jawaab dooda noocani oo kale qancisa waa in ay diyaar inoo yihiin, tageerayaasha qadiyadeena la wadaagno.Haddaba, haddii qodab qadab ugu daadago.

1) Arintani waa mid ka dhaxaysa Somalida.

Qadiyada Somaliland iyo Somalia ma ah mid iminkabilaabantay ee waa mid socotay mudo ka badan 30 sano. Markahaddii arantani u taalo Somali, sida Senegal iyo Gambia, ama Senegal iyo Mali ayay xalin lahaayeen bari kore. Sida daradeed, arintani ma ah mid Somali oo kaliya u taala. Lakiin, waa mid ay tahay in ay ka arimiyan dadka ama hogaamiya yaasha damiirkaleh ee danaynaya jirtanka iyo mustaqbalka Afrika.

2) Qadiyada Somaliland iyo Somalia waa min u taala UrurkaMidawga Afrika iyo Qaramada Midawga.

Sida ay xubnaha tageersana qadiyada Somaliland ee golahaGambia ka dhawaajiyeen, warbixinta 2005-kii Midawga Afrika soo sartay waxay ku cadeeyeen halka ay ka tagantahay Ictiraafradinta Somaliland. Waxay warbaxinta ku so gunaanadeen in Ictiraaf Somaliland aanu ka hor imanaynin sharciyada MidawgaAfrika, iyo xeerarka ay ku heshiiyeen dalalka Afrika. Jiritankadalka Somaliland iyo xuduudihiisu ay xoojinayaan shuruucihiilagu dhisay ururka.

Isla markan, Ictiraaf Somaliland heshaana aan noqonayni waxaay ugu yeedheen ‘pandora’s box’, oy uga jeedeen, haddiiSomaliland la Ictiraafo in ayna albaab u furaynin gobaladadalalka Afrika ee raba in ay gooni uga istagan dalalkooda.Marka warbixin Midawga Afrika soo sartay, waxay cadaysay in Somaliland buuxisay shuruudihii looga baahna in ay dal ururkaka mid ku noqoto, ama xubin Qaramada Midoobay (United Nations).

Sida daraadee, Midawga Afrika wuxuu ku riixay IctiraafkaSomaliland dalalka Afrika. Taasi oo cadayn u ah in IctiraafkaSomaliland yahay mid siyaasadeed, lakiin aanu ahayn mid sharci.

3) In Ictiraafka Somaliland ahayn mid dani ugu jirinGambia/dalkeena.

Nabad galyada, xasiloonida iyo sumcada qaradu waa mid qaradaay tahay in ay wada ilaashadan. Horumarka iyo nabada dalkastawaa u dan dalkasta oo Afrika ka mida. Qadiyadani Somaliland iyo Somalia mudo dheer ayay soo jiitamaysay, haddii xal dagdaga loo helina dagaal ayay ku danbayn doona, dagaalkasinasamayn wayn ayuu ku yeelan doona dalalka jaarka iyo qaaradaAfrika. Teeda kalana, dhiig Afrikana oo daataa dan uma aha dadnimada dalalka iyo horumarka Afrika.

Gaba gabadii, Xukuumada Muuse Biixi waxaan xusuusin lahaa, hadaladii uu Madaxwaynihii hore ee Nayjeeriya Obasanjo ka yidhi qasriga Madaxtooyada, markii Somaliland soo booqday.

Wuxuu yidhi, arinta Somaliland horena waan ula socday, iminkana waxaan warbixin ka dhagaystay labada hogaamiye eeGolaha Wakiilada iyo Guurtida. Waxaanan anigu qabaa in qadiyada Somaliland tahay mid aad u fiican, lakiin waxaad u bahan tihiin in bulshada iyo dadka Afrika aydun arintiina u bandhigtaan. Taasi waa masuuliyada dawlada, ama xukuumadasaran.

Waxaanu yidhi wakhtigan si kasta oo qadiyada ama kayskaagu u fiican yahay waxay u bahan tahay in aan dadka u bandhigto, oodxayaysiiso si aad u fahamsiiso. Wuxuu ku cel celiyay odhahdaah: “You have to package it and you have to market it”. Odhahdani afka Somaliga ku noqonaysa, ‘Waa in marka horeqadiyadiina isku gaysan, kadibna xayaysisan’.

Haddaba, waxaa jira dawlado aan dimuqradi ahayn ama dimuqradiyadoodu daciif tahay oo dhaqaale ku badalanayaIctiraaf, taasina waa mid ay tahay in aanu diyaar u ahaano.

Lakiin, dalalka Afrika ee dimuqradiga ah sida Gambia oo kale, waa in marka hore qadiyada Somaliland warbaahinta dalalka loobandhigo. Si dadkoodu u fahanman. Kadibna, dawladahoodugo’aan uga gaadhi karaan. Waxaan anigu aaminsanahay in qarada Afrika ay ka jiran dalal badan oy hogaaminayan dad damiir leh, oo xaqa iyo badilka kala garanaya, kuwaasiIctiraafka Somaliland u qalanto siin doona.

SOMALILAND HA NOOLATO !!!!

OMAR A. YOUSUF

Omaryousuf455@gmail.com

WWW.DANQARAN.COM