Dooda daad-maadheed, diidmada Hawd iyo Dareenka Masuulliyiinta 

0

Hargeysa-(Berberanews)-tobaneeye qof iyo dhawr askari ayaa ku dhaawcmay
Rabshado ka dhashay dhex martay xulalka gobolada Daad-madheedh iyo Hawd.

Ciyaarta oo laysku mari waayey laba saacadood oo ay socotay, rikoodheyaal loo dhigayna tobankii gool ee hore laysku barbar dhacay, ayaa mar labaadka rigoodheyaashii loo dhigay midkii hore laga qabtay Hawd, taasoo ay sheegeen in uu gool-hayaha Daad-madheedh meel khaldan ka qabtay.

Dooda Diridhaba

Tababaraha xulka gobolka Daad-madheedh ayaa sheegay in uu xulkiisu u baxay Final-ka koobka gobolada dalka.

Waxa uu sheegay Tababare Diridhaba in marka loo eeggo sharciga ciyaaraha xulkiisu ku guulaystay.

Diidmada Hawd

Maamulka Xulka gobolka hawd ayaa sheegay in aanay sharci ahayn natiijo kasta oo ka soo baxda Ciyaartaasi.

Waxaanay ku doodeen in aanay ku qanacsanayn siidhi-walihii labada kooxood u hayay xaqsoorka, walow ciyaartooy ka tirsan Gobolka Hawd uu feedhay siidhiwalaha.

Dareenka Masuliyiinta

Maayarka Hargeysa Candiraxmaan Caydiid iyo Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed, oo saxaafadda la hadlay ayaa muujiyay dareenka ay kaga xunyihiin dhibaatadii dhacday, waxaanay faahfaahin ka bixiyeen khasaaraha ka dhashay.

Maayarka iyo Badhaaasbku waxa kale oo ay soo saareen awaamiir ku saabsan ciyaarta dhexmari doonta Hargeysa iyo Gabiley oo ay u direen taageerayaasha iyo ciyaartoygaba.

Halkan ka dhegayso hadallada Maayarka Hargeysa iyo Badhasaabka.