Doorashadii Aqalka Sare ee Somalia oo dub u dhac ku yimi

0

Muqdisho-(Berberanews)-waxaa dib u dhacday doorashada Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya si loo soo gabagabeeyo 28-ka bishan, taasoo uu qorshuhu ahaa maanta inay bilaabanto.

Waxa socda dadaallo ay wadaan guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo heer gobol oo ay ku doonayaan in madaxda maamul goboleedyada ku soo gudbiyaan liiska murashaxiinta Aqalka Sare.

Dhinaca kale guddiga xallinta khilaafadka doorashada dadban ayaa soo saaray habraaca xallinta khilaafaadka aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya .

Wuxuuna guddigu warqadda uu soo saaray uu ku sheegay 4 shuruudood oo looga baahan yahay ciddi guddiga cabashada u soo gudbineysa.

Shuruudahaasi oo ay ka mid tahay qofka cabshada qabo inuu bixiyo lacagta diiwaangelinta cabshada oo dhan 3,000 oo doolar.