Dowladd Somalia oo ku adkaysatay goaanka Baarlamaanka

0

Muqdisho-(Berberanews)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaan waxba iska badalin go’aankii uu dhawaan Baarlamaanku ka soo saaray muranka doorashooyinka ee ka cadhaysiiyay beesha caalamka.

Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in waxba iska badalin sida uu hadalka u dhigay go’aankii Baarlamaanka uu dhawaan qaatay, kaddib booqashadii madaxweyne Farmaajo ee magaalada Kinshaasa.

“Waxba iskama aanay badelin go’aankii baarlamaanka uu qaatay, taas waa howl baarlamaanka u taal,” ayuu yidhi

Wasiirku wuxuu intaa ku daray: “Doorashadu noocwalba oo ay ahaato, mid toos ah, mid dadban, doorasho marwalba waa inay noqotaa mid nabad ah, mid loo dhan yahay, mid waadax ah loo wada jeedo, si natiijada ka soo baxdaa ay u ahaato mid dadka oo dhan ay ku qanci karaan.”

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ka soo baxay lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo aqbalay in door dhaxdhaxaadin ah midowga Africa uu ka qaato sidii leysugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

mucaaradka ayaa siweyn uga soo horjeestay go’aankii uu dhawaan qaatay Baarlamaanka Federaalka ee muddo kordhinta labada sano ah loogu sameeyay dowladda hadda jirta.