Dr. Gabboose oo ka fadhiistay Dhakhtarnimaddii iyo siyaasaddiiba

0

Hargeysa-(Berberanews)-Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo ka mid ah dhakhaatiirta waaweyn ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqay inuu gebi ahaanba la fadhiistay Caafimaadka iyo Siyaasaddaba.

Dr. Gabboose oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, wuxuu sheegay inuu faraha ka qaaadday mihnadda dhakhtarnimada ee uu mudada dheer ku soo jiray iyo arrimaha siyaasadda oo aanu ka madhnayn.

Dr. Gabboose oo arrintaa ka hadlayaa wuxuu yidhi, “Waxaan ku qancay in wixii hadda ka danbeeya aan u soo jeedsado hawlaha samafalka, diinta iyo ka warqabka caruurta, waxaan go’aansaday inaan ka fadhiisto dhakhtarnimadii aan muddada dheer ku soo jiiray, iyo sidoo kale siyaasadiii aan mudda dheer ku soo jiray ayaan iyadana ka fadhiistay”

Berberanews.com, info@berberanews.com