Duuliye Axmed Dheere  iyo Xaquuqda Aadamaha

0

Adam Muse Jibril- Q:2aad

Xuquuqda Aadamahu waxay ka kooban tahay mabaad’i dhawr ah oon sina u kala go’i Karin, oo dhammaantood ka dhashay xaqa Adamuhu u leeyahay nolosha, iyo kuwa kale ee ku xidhan nolosha, sida xuquuqda siyaasadda, tan dhaqaalaha, tan milikiyada ama wax-lahaansha, xurruyad-qawlka iyo qoraalka IWM. Dagaalada loo soo galay xuquuqda Aadamaha oo leh soo-yaal dheer   sidii loo soo dhacsan lahaa oo loo soo maray dagaalo badan waqtiyo kala duwan. Kuwaasoo lagu bixiyey diig qaali ah, maal iyo waqti badan.Dagaaladaasu waxay u kala qaybsanaayeen saddex nnoc iyo saddex marxaladood. Laga soo bilaabo halgankii loo soo galay sidii Addoonsigii tooska ahaa oo qof adoonsanayey qof Aadame ah oo la mid ah, kaas oo qaatay muddo kumanaansano ah sidii looga xoroobi lahaa. Waxaa ku xigey halgankii loo soo galay sidii gumaysiga noocyadiisa kala duwan looga  xoroobo (Declonialization Struggal). Waxaa ku xigey Halggankii Dheeraa ee dadka reer Africa la soo Galeen talisyadii Digtaatooriga ahaa;  sida: Baydal Bukaasa, Mubuto, Iidi Amiin, Mangistu Hayle Maryam, iyo Maxamed Siyad Barre.

Intaas oo dagaalo ah waxaa nuxurkoodu ahaa in xuquuqda maqan la soo dhiciyo, waxayna ku suntanyihiin yihiin dagaalo xaq ah, halka dagaallada dhinaca kale ee keli talisyadu, sida kii Siyaad Barre ku xasuugayey dadka Somaliyeed, waxay ku suntanyihiin dagaalo xaq darro.

Haddaba, Duuliye Axmed Dheere markii uu go’aanka ku qaatay in uu naftiisa u huro una sadaqeeyo xuquuda Dumarkii, Caruurtii iyo waayeelkii lagu xasuuqayey halkan Hargeysa waxuu qaatay go’aan u hiilinaya mabda’a xuquuqda Aadamaha (Universal Human Rights’).

Waxaase qiimo gaara leh in aynu ileyska ku daarro dareenka ka turjumaya heerka koritaanka dadka Somalida in uu ka soo bixi karo Duuliye Axmed Dheere oo kale.

 Arrinkaas ooy ka muuqaday go’aanka uu qaadhay iyo sida uu uga duwan yahay boqollaad ama kumanaan qof oo kale oo ka soo jeeda goblada Somalida kale.

Kuwaas oo  xukunii keli-taliska ahaa ku maran habaabiyey reernimo si uu xukunka u sii jeego. Ujeedada taliskii Siyad Barre waxay ahayd ‘Qaybi oo Xukun’. Go’aanka Duuliye Axmed Dheere qaatay waxuu tusayaa in uu yahay qof ka koray heerka caadiga ah ee qabiilka.

Haddaba, waxaa laga baran karaa tusaalaha  uu dhigay Duuliye Axmed Dheere arrimahan soo socda:

  1. In wax kasta oo Siyad Barre isku deyey in uu garaadka Somalinimada burburiyo oo ku beddelo mid reernimo asaga ugu hiiliya in haddana ay jiraab Somalinimo weli nooli.

  2. In dadka Somalida dexdooda ay jiraan dad u taagan Somalinimada, iyo wanaagga, Dimoqorqqdiyada, iyo Xuquuda Adamaha

III. In sidaas darteed loo baahan yahay in Somaliland, dawlad ahaan, dadweyne ahaan, iyo warbaahin ahaan, si wayn oo caddayno  in dadweynaha Somalida iyo kooxaha siyasaddu noo kala duwn yihiin. Dadweynahuna Somaliyeedna aanu wada denbiil ahayn, ee cidda denbiilaha ayhi ay yihiin cidda weile difaacaysa talikii Xasuuqa iyo burburinta xadaaradii ka dhisnay Somaliland, dad iyo duuyoba dhulka  la simay.

  1. In maanta laga bilaabo Duuliye Axmed dheere loo aqoonsado halyeyga Xuquuda dhammaan Aadamaha Aduunka.

  2. In Magaciisa aynu, haddaynu nahay bulshada Radyidka Somaliland ku dhisno Ha’yda Xuquuqda Aadamaha oo Caalamiga Duuliye Axmed dheere