EEDAHA Xarunta Dhaqanka Hargeysa CADDEYMO La’aan waa:  Namiimiyahu warkuu keenay buu NACAS run moodaa…

0

Qore: Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleeye).

Salaanta islaamka ka dib, marka dadka xumaanta wada laga aamuso, waxay moodaan in ay xaq sheegayaan, waanay ku sii fogaadaan, iyagoo dad badan oo in-dhow-arag ahina way ku deydaan, kuna hadaaqaan hadaladooda.

Inta ka dib, maalmahan waxa baraha bulshada FACEBOOK ha u badnaade, intaan arkay lagu baahinayey hadalo aflagaadooyin iyo eedo xaqiiqdii RUNTA ka fog, maadama aanay dadka faafinayaa CADDEYMO soo bandhigin  oo loola badheedhayey XARUNTA DHAQANKA HARGEYSA, taasoo marka laga yimaado xafiiska xarunta, sidoo kale loogu gefay sharaftooda iyo karaamadooda hawlwadeenada iyo madaxdeeda iyo qof kastoo maalin tegay, ama u diyaar ah booqashadeedu, kana mid yihiin Madaxda Somaliland iyo annigan qoraalkan qoraya, oo mudadii 14 sannadood ee ay soo dhisnayd sannad walba ka qeybgelayey.

 Hadaan naftayda ka hadlo oo masuul ka ahay, Ilaahay SW waxuu MARKHAATI iiga yahay inaanan qariyeen hadaan arko wax xumaan ku ah dadka, DIINTA iyo dalka Somaliland oo Xarunta Dhaqanka Hargeysa, ka socota? Haddaba, iyadoo dariirkaygu sidaa yahay, sidaan u aqbalaa aflaqaado goob aan qeyb ka ahay loo jeediyey bilaa CADDEYN?, xitaa hadaan annigu ilduufay, miyaanan gar ugu lahayn inuu annigu qofka sheegaya caddeymaheeda soo bandhigo? Ilayn Hebel baa yimi iyo heblaayo ayaa timi eed qiil uma noqonaysee? (Anniguba ma jecli mana soo dhoweynayo qof damiirkiisu liito inuu dadkayga iyo dalkayga xumaan u keeno ama ku faafiyo? Laakiin wuu yimi waa hadal jaban oo NACAS qiil moodo, sida odhaah gabay “Namiimiyahu warkuu keenay buu NACAS run moodaa- Anna NADARTU waxaan arkaan NACAM idhaahdaa?

Diinteena suuban waxay inna faraysaa inaynu xumaanta iska reebno, wanaagana is-farno si asluubaysan, sida xadiis Nebiga NNKH macnahiisu yahay, “Qofkiina xumaan arka gacmahiisa haku bedelo, ama carabtiisa, ama niyada haka naco..” oo ah inuu xumaanta uu arkay oo caddeynteeda uu hayo ku wargeilyo hay’adaha amaanka qaabilsan wax ka qabashadeeda, ama ka hadlo isagoo caddeynteediina soo bandhigaya, ama niyada ka naco, hadaanu labada dariiq midna samayn karin.

Bal akhriste isweydii, hadii qofwalba waxuu doono iyo siduu doono qofkale sharaftiisa iyo karaamadiisa ku ceebeeyo (CADDEYMO LA’AAN), siduu xaalku noqon lahaa ama ummadu u kala badbaadi lahayd? Si aanay taasi u dhicin, Ilaahay SW si adag ayuu inooga digay Quraanka Kariimka dadka faafiya wararka beenta ah, siduu aayad inoogu sheegay macnaheedu tahay “Hadii FAASIQ (BEENAALE) war idiinla yimaado-ISKA HUBIYA….” Oo laga doonayo bilowgaba qofka walba hadii loo keeno WAR aan caddeyntiisu la socon raacin inuu ku deedafeeyo, qofkii keenay, dibna uga feejignaado dhegeysiga hadalkiisa, ilayn waa beenaale’e, hadii uu caddeynteeda xitaa soo raaciyo ama keeno, marlabaad aad iska hubiso in caddeymahaasi yihiin kuwo xaqiiq ah, oon la soo dhoodhoobin, weligaana ka feeginaato ku camalfalka war kastoo laguu sheego hubsiimo la’aan.

Sidoo kale Nebigeenii Muxammad NNKH si adag ayuu uga digay dhaawacida sharafta qofka islaamka ah, waxaanu ummada uga digay in ku xadgudubka sharafta iyo daadinta dhiiga qofka islaamku XAARAAN tahay.

Walaalayaal, horta EED kasta hadaanay maxkamada awood u leh xaqiijin, waa BEEN, in la sii wadwado ama la daliishado waa gef iyo khalad. Intiina dheehday qoraalada dadka aan kor ku soo sheegay ee hadaladda aflaqaadada iyo eedaha qaawan u jeedinaya xarunta dhaqanka Hargeysa, waxay daliilo ka soo dhiganayaan waatii hore Abwaan Yuusuf Shaacir uga digay (faaqidaada mowduucaa) imika ma gelayo, balse waxaan u soo qaatay, ANNIGU, markii aan maqlay sheekada Yuusuf Shaacir & Xarunta Dhaqanka wakhtigaa, waxaan isku deyey inaan bal dhexgalo, waan wareystay Y Shaacir, (Walow uu ku adkeystay inuu dacwadeeda gudbinayo) ka dib waxaan wax ka weydiiyey Sheekh Maxamuud Sh Axmed Dalmar (Caaqil, Aqoonyahan & Qoraa) ummada Soomaalidu wada taqaan waxuu kala socdo, waxuu iigu jawaabay Sh Dalmar (Yuusuf Shaacir, dad isku cusub ma nihin, miyuu garran waayey inuu nala wadaago haduu arkay xumaan aanan arkin, ama maqlin oo goobtan XARUNTA DHAQANKA ka jirta? Ama wax naga weydiiyo? – ta kale, ma Sheekh Maxamuud Dalmar ayaa ka aamusi lahaa xumaan goob uu joogo ka socota? Bal Adba.. sheekadii Yuusuf Shaacir iyo dacwadiisii? Meel ay ku dambaysay ma ogi? Balse ma jirto meel aan ku maqlay eedo la leeyahay xarunta dhaqanka Hargeysa ayaa maxkamad ku heshay? Haddaba, dadka weli sii wadwado eedo bilaa caddeymo ah, waxaan leeyahay dalku sharci iyo qawaaniin lagu kala baxo ayuu leeyahay.

Walaalayaal, ilaalinta Sharafta dadka,dalka Somaliland, DIINTA ISLAAMKA iyo guud ahaan ummada islaamka waa ku WAAJIB anniga, adiga iyo qofkastoo muslim ah,  waxaan kaga baxayaa xadiis Nebiga NNKH ayaa macnahiisu ahaa “Dhibkaaga oo ummada aad ka ilaaliso waa sadaqo.” Qof kastow ku dedaal in ummada islaamku kaa nabadgasho, waxii dhibaato ama xumaan aad aragto oo caddeynteeda wadata la socodsii cidda, ama hay’adaha ku shaqada leh, si wax looga qabto, (waa dariiqa ugu fiican) hadaad ummada la wadaagayso caddeymadeeda soo raaci, hadii kale, waxii falcelin kaala kulma u diyaar ahow. Ilaahay SW dariiqa xaqa dhamaanteen ha inna waafajiyo, aamiin.

Mohamoud Ali Walaaleye
Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter

http://www.funca.info/
Hargeisa- Somaliland