Waxa uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, sidoo kale ku eedeeyey Maamulka Farmaajo inay doonayaan inay hab qabiil ugu faa’iideeyaan shirkado Diyaaradeed oo gaar ah oo ay iyagu wataan oo ay doonayaan inay Dadka qaadaan, halka kuwii hore u qaadi jiray meesha laga saarayo.
Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay inaanay Xukuumadda Somaliland ku baraarugsanayn waxa muqdisha ka socda, sidoo kalena aanay la dhigi karin amma iska difaaci karin dabinnada loo qorshaynayo, balse ay doonayaan inay qabtaan Shirweyne lagaga xisaabtami doono Somaliland waxa ka qaldan iyo wixii hore uga qaldamay-ba.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo hadalkiisu yimi ka dib markii Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya shalay shaaciyey guddi kala saari doonta shirkadaha fulin doona adeegga Xajka dadka Soomaaliya ka tegaya sannadkan, kaas oo go’aankiisa Maamulka Puntland ku gacan-saydhay, ayaanay Xukuumadda Somaliland weli dhinaceeda wax war ah ka soo saarin.