England Oo Hoos U Dhacday Iyo Holland Oo Ku Soo Laabatay Kaalinta 2aad Ee Qiimeynta Bilaha Fifa.

0

(Berberanews Sports);- Xulka tababare la’aanta ay heysa ee England ayaa hoos uga dhacay qiimeynta bilaha xulalka adduunka ee ay sameyso FIFA, halka Argentina ay ku soo laabatay 10ka xul ee adduunka ugu sareeya islamarkaana Brazil ay kor u soo kacday.

Argentina oo bishii hore ka dhacday 10ka xul ee ugu sareeya caalamka ayaa seddex boos kor u soo kacday iyadoo soo gashay kaalinta 8aad waxaana ay uga mahadcelineysaa seddexleydii Lionel Messi uu ku quusiyay Switzerland isbuucii hore.

Xulka koobka adduunka heysa shanta jeer ee Brazil oo ay u aheyd inay galaan kaalinta 7aad meeshoodii ugu hooseysay tan iyo 1993dii ayaa soo gashay kaalinta shanaad ka dib markii ay 2-1 ciyaar saaxiibtinimo kaga badiyeen Bosnia. Xulka kaalinta afaraad ee Uruguay ayaan weli ka dhicin kaalinta afaraad.

Xulka heysta koobka adduunka Spain oo 5-0 ku dardartay Venezuela isbuucii hore ayaa weli kaalinta koowaad ku jirta, lakiin Netherlands ayaa ku soo laabatay kaalinta labaad ka dib markii ay 3-2 kaga badiyeen England halka Jarmalka ay u dhaceen kaalinta seddexaad ka dib guuldaradii 2-1 ee ka soo gaadhay France.

England ayaa u dhacday booska lixaad ka dib guuldaradii Wembley iyagoo weli baadigoob ugu jira tababarihii bedeli lahaa Fabio Capello.

Kala Sareynta Bisha Febuary Ee Xulalka Adduunka (Numberada bisha () ku dhex jira waa qiimeyntii bishii Janaayo)

1. (1) Spain

2. (3) Netherlands

3. (2) Germany

4. (4) Uruguay

5. (7) Brazil

6. (5) England

7. (6) Portugal

8. (11) Argentina

9. (8) Italy

10. (9) Croatia

Mustafe Maxamud “kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews sports