Ethiopia: Wasaradda A. Debedda oo ka hadashay Xidhiidhka Somaliland

0

Itoobiya-(Berberanews)-Wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya oo ka hadashay Wadahadal dhex maray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirul Dawlaha Arrimaha dibada Dawlada Itoobiya Redwan Hussein.

Wasaarada Arimaha Dibada dalka Itoobiya ayaa ka hadashay wadahadal Maanta dhex maray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirul Dawlaha Wasaarada Arrimaha Dibadda Itoobiya Redwan Hussein oo socdaal ku yimid dalka.

ETHIOPIA DELEGATION

War qoraala oo lagu baahiyay barta Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa waxa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Redwan Hussein ay ka wadahadleen arrimaha amniga iyo socdaalka ee deegaannada xuduudda ah iyo siyaabaha loo xoojin karo is-weydaarsiga dhaqanka iyo sare u qaadidda xidhiidhka isku socodka dad-weynaha ee labada Dawladood.

Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Redwan Hussein ayaa sheegay in ay suurtogal tahay in Somaliland noqoto meel ay u soo maraan badeecadaha Dhoofinta Itoobiya.wuxuuna hoosta ka xariiqay in Itoobiya ay u baahan tahay inay kor u qaaddo xidhiidhka Dhaqaale ee ka dhaxeeya Somaliland ilaa heerka ugu sarreeya iyada oo balaadhineysa ka qeybgalka maalgashiga, dalxiiska iyadoo adeegsaneysa marinka dekedda Berbera waa sida hadalka ay u dhigeene.

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalkan in
Wasiirul -dawlaha Wasaarada Arimaha Dibada #Itoobiya uu booqday booqday dekedda Magaalada #Berbera.”