FA-ga Oo Diiday Racfaankii Branislav Ivanovic Uu Ka Qaatay Ganaaxiisii Seddexda Kulan.

0

(Berberanews Sports):- Xidhiidhka kubada cagta Ingariiska ayaa diiday racfaankii ay Chelsea ka qaadatay ganaaxii difaaceeda Branislav Ivanovic.

Ciyaaryahanka reer Serbia ayaa ganaax seddex kulan ah gadhka loo geliyay ka dib markii uu caloosha feedh kaga dhuftay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Wigan Shaun Maloney.

Ciyaaryahanka ayaa haatan maqnaan doona seddex kulan, waxaana uu seegi doonaa semi-finalka FA Cup ee Tottenham, sidoo kale kulanka ay Chelsea u safrayso Arsenal iyo kulanka ay garoonkooda ku soo dhaweyneyso QPR.

Warbixin ay soo saartay FA ayaa lagu yidhi: “Racfaankii uu difaaca Chelsea Branislav Ivanovic ka qaatay ganaaxii FA waa la diiday”

“Ganaaxa Ivanovic ee seddexda kulan waxa uu u dhaqan galayaa sida ugu dhakhsiyaha badan”.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports