Faahfaahinta qaraxii xalay ee Muqdisho iyo Turkiga oo cambaareeyay

0

Muqdisho(Berberanews)-Afhayeenka Ciidanka Booliska Somalia Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in ay ku dhinteen 10 ruux oo u badnaa dad shacab ah qarax xalay lagu weeraray maqaaxi lagu magacaabo Luul Yemen oo ku taala degmada Xamar-Jajab

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in qaraxan oo loo adeegsaday mooto nooca xamuulka lagu qaado ah sidoo kale ku dhaawacmeen 30 ruux oo u badnaa dadkii goobta ku caweynayay.

Sadiiq Afhayeenka ciidanka Booliiska ayaa ku eedeeyay Al-shabaab in aanay wali ka tanaasulin wax-yeeleynta shacabka iyo in ay caqabad ku yihiin horumarka wadanku sameynayo.

Cambaaraynta Turkiga

Wasaarradda Arrimaha dibadda dalka Turkiga  ayaa si adag loogu cambaareeyay weerarkii dadka badani ku dhinteen ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

‘Qoraalka ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu yidhi” Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarka foosha xun ee Argagixisadu ka geysatay magaalada Muqdisho waxaanan tacsi u direynaa shacabka walaalaha ah iyo Dowlada Soomaaliya Waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe korkiisa kuwa naftooda ku waayey,waxaana u rajeeyneynaa caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay”