Faahfaahinta tirada dhimashada iyo dhaawaca qarax Muqdisho ka dhacay

0

MUQDISHO-(Berberanews)-inta la xaqiijiyay Lix qof ayaa ku geeriyooday afar kalena wey ku dhaawacmeen qarax xalay lagu badhtilmaameedsaday makhayaad ay dadka shacab ah ku cawaynayeen oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka booliska Sadiq Cali Aadan ayaa sheegay in dadka geeriyooday uu ku jiro ilmo yar iyo qofkii ismiidaamiyay. Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen qaraxan.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa u dhoweyd wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo saldhig boolis.

Warkan waxa muqdisho ka soo diray wariye Cabdiqaadir Maxamed Cabdulle.

Halkan ka dhegayso warbixintaas.