Faahfaahinta weerarka Hotel Afrik ee Magalada Muqdisho

0

MUQDISHO —(Berberanews)-Ilaa hadda waxaa socota rasaas ay is weydaarsanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo koox dabley ah oo gudaha u gashay Hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Lama hayo khadaaraha dhabta ah ee ka dhacay Hotelka, oo qarax lala beegsaday, gudahana ay u galeen dabley hubaysan.

“Baabuur xowli ku socda ayaa ku qarxay meel u dhow hotelka iyo bar control, waxaana xigay rasaas xooggan,” waxaa sidaas yidhi Cali Cabdullaahi oo goob ganacsi ku leh aagga, lana hadlay Reuters.

Cali ayaa intaas ku daray inuu rumeysan yahay inay dabley galeen hotelka.
Ciidamada amniga ayaa lagu warramayaa inay aagga isku hareereeyeen.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya Saadaq Cali ayaa sheegay in dad badan laga soo bad-baadiyey hotelka, balse uu rumeysan yahay inuu khasaare nafeed jiro. Wuxuu intaas ku daray inuu howgalku socdo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Qaraxyo is xig xigay ayaa laga maqlay ilinka hore ee hoteelka ka hor inta aysan gudaha u galin dableyda oo u muuqday kuwo u diyaarsanaa weerarka.

Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan Hoteelka iyo daafihiisa kuwaa oo la dagaalamaya xoogagga hubeysan ee ku jira gudaha hoteelka oo adeegsanaya rasaas culus.

War kooban oo ka soo baxay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in gudaha hoteelka laga soo badbaadiyay dad kala duwan oo ku sugnaa hoteelka xiliga uu weerarku dhacayay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay khasaaraha ka dhashay  weerarkan iyadoo hoteelka la weeraray inta badan ay tagaan saraakiisha dowladda iyo waliba dadka qurbo joogta ah.