FAALLO: Aragtiyaha Kala Duwan Ee Qaybo Ka Mid Ah Dadweynaha Somaliland Ee La Xidhiidha Odayaasha Reer Muqdisho

0

Waxa weli dalka ku sugan qayb ka mid ah hoggaamiye dhaqameedyo ka soo jeeda beelaha Muqdisho, iyadoo qayb ka mid ah wafdigaasina ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho, ka dib markii iyagoo sida la sheegay ku sugan Boorama lagu soo wargeliyay inay degdeg ugu soo laabtaan dalka si ay uga qayb qaataan badbaadinta  xukuumadda  madaxweyne Xasan Sheekha Muqdisho oo dagaal siyaasadeed kaga socda Baarlamaanka dalkaasi.

Wafdigan ayaa socdaalakoodan dood badan ka dhex dhaliyay Boorama iyo Hargeysa , islamarkaana  dadweynaha degaanadaasi qaarkood, siyaasiyiin iyo waxgarad kaleba kaga hadleen socdaalka odayaasha reer Muqdisho wakhti  reer Somaliland ahi ku jiraan qabanqaabada dabbaal degga lagu xusayo 13 guuradii ka soo wargeetay maalintii ay la soo noqdeen xornimadooda  kuna beegan 18 ka May,waxa kale oo ay ku soo beegmeen wakhti xaaladda ammaanka Soomaaliya ka sii darayso,dabaylo siyaasadeedna ka dhacayaan aqalka looga taliyo dalkaasi ee Villa Soomaaliya.

 

 

Haddaba  su’aalaha aan weli la helin jawaabahooda ayaa waxa ka mid ah yaa Somaliland ku casuumay Somaliland?halkay u socdaan,? maxay u socdeen  iyo  kuwa kaleba. In kastoo dawladda Axmed Siilaanyo odayaashan u oggolaatay inay dalka soo galaan islamarkaana la tusin xumaan iyo xiqdi loo qabo dalka Soomaaliya, odayaashoodan iyo dawladdoodaba, hase yeeshee waxa jira dareenno liddi ku ah socdaalkooda Somaliland iyo kuwa lagu soo dhaweynayaba.

 

Caasimadda dalka ee Hargeysa oo aan ku sugnaa wakhti ay ka soo dageen odayaashaasi madaarka iyo intii ay socdaalka ku marayeen Boorama ayaa waxa dhegeyhayga ku soo dhacayey hadallo kala duwan oo khuseeya socdaalka Odyaasha  ee Muqdisho.

Inkastoo masuulyiinta dawladdu  derejo kasta ha lahaadeenne ka gaabsanayeen wax ka sheegga odayaasha  iyo socdaalkooda, hase dareenka dadweynaha ayaa ah mid aan la dafiri karin.

Hadii aan wax ka soo qaadanno hadalada shacbiga qaybihiisa kala duwani isku weydaarsanayeen goobaha  la fadhiisto iyo mijlisyada ku yaalla caasimaddu badi socdaalka odayaashaasi ka muujinayeen  shaki fara badan oo ka dhan ah socdaalkooda, isla markaana su’aalo iska weydiinayay waxa dawladdau ugu oggolaatay. Mid ka mid ah dadkii goobahaasi fadhiyey balse aan aniga i garanaynin ayaa ku yidhi ”Waxay u yimaaddeen inay  dalka khalkhaliyaan”,mid kale ayaa yidhi ”Odayaashani waxay u yimaaddeen inay dagaalka  Muqdisho soo horkacaan, shabaabka soo hogaamiyaan, lacagna u dusiyaan kuwa dalka ku sugan” halka mid kalena yidhi “Waxay u yimaaddeen inay na baabaan, fal  iyo wax baasna dalka soo geliyaan.” halka mid kalena ugu jawaabay ”odayaashani hadday na aqoonsadaan Soomaaliyana way na aqoonsani,hadday diidaanna  iyagaa og”,mid kale ayaa isna yidhi “Waxay leeyihiin dirbaan nahay oo dubkaa isku keen keenay ,haddaan isku dub nahay maxay noo aqoonsan waayeen”

Wafddigan odayaasha ah, kana kooban  beelaha deegaanka Muqdisho, Sida Abgaal ,Murursade, Baadi cad,Dir, Digil iyo Midhifle iyo kuwa kale ayaa ka dib u kicitimaya dhinaca Boorama ,ayna usii gelbiyeen wasiirka awqaafta iyo masuuliin kale, waxayse ku farxeen markay maqleen magaca wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Loona yaqanno Abgaal, balse aan ka mid ahayn siyaasiyiinta reer Awdal ee u ololeeya midnimada Soomaaliya,iyagoo weliba ku sii farxay magaalo laga jeclaa Soomaaliya, mudaaharaadyo lagu taageeri jirey dawlad ka dhalata Soomaaliyana  reer Muqdisho ku farxi jireen hase yeeshee aan beryahan lagu arag bannanbaxyada noocaas ah. soo dhaweyn heer sare ah kaddib, odayaasha reer Muqdisho iyo kuwa Awdal oo shir ku yeeshay jaamacadda Cammuud hoolkeeda ayaa la sheegay inaan reer B oorama odayaasha reer Muqdisho maqashiinin magaca Soomaaliya, una muujiyeen  Somalilannimo kasii xag jirta tan gobolada kale ee dalka, waxayna  qaar ka mid ah  dadweynaha Boorama u qaateen in socdaalka odayaasha reer Muqdisho guul u yahay reer Boorama,fariinna ugu sii dhiibayaan wasiirka arrimaha debedda ee Soomaaliya Mud.Bayle, kana soo jeeda gobolka Awdal, halka kuwa kalena ku sheegeen mid aan waxba soo kordhinayn balse Soomaalinnimada uun ixtiraamayaan,waxayse dad badan oo reer Boorama ah imaatinka odayaasha reer koonfureedka  ka sugayeen hadal iyo dareen  ka duwan kan ay tuseen ama kula hadlayeen reer Somaliland inteeda kale. 

 

 

 

Faallo: Maxamed Cumar Sheekh