FADARAAL YAA INOO KEENAY? YAA RABA? YAA WADA IN UU HIRGALIYO?

0

Dalka Soomaaliya waxa uu marayaa mudo nus qarni ah,xaalad aad u qalafsan oo salka ku haysa soo noqoshada gumaystaha shisheeye ee qarada ka baxay afrika 1960 maadkii.Gumaystuhu xiliyadaas sii horeeyay 1600-1960 ayuu sahamiyay khayraadka dalalkii afrika ee uu guumaysanaayay oo ay kamid tahay soomaaliya. Sahankaa wuxuu ku ogaaday waxa dalwalba illaahay siiyay ee khayraadka dabiiciga ah intuu ku ogaan karaayay aqoontiisa  iyo istaraatiijiyada uu dhaco.

Waxaa intaa dheer kala qaybinta uu dhex dhigay dad hal ahaa oo wada dhashay dal kaliyana ku midaysnaa. Soomaaliya waxa uu u qaybiyay 5 qaybood isagoo og in dadka soomaaliyeed yihiin dad isku diin ah, isku af ah, isku isir ah, isku dhaqan ah, haldalna wada leh. Wuxuu saa u yeelay waxay ahayd in khayraadka dhulkaa uu ku ogaaday ka faa iidaysto aayaha oo hada aad moodo in la joogo ka faa iidaysigiisa wadamada qaarkood. waxaad sawirataa 5 tii soomaaliya loo qaybiyay oo hal dawlad ah? xoog baa imaan lahaa dad ahaan iyo dhul ahaan iyo dhaqaalo ahaan intaba, afrikana soomaali baa xukumi lahayd oo wax laga waydiin lahaa dhab ahaan. kolkaa soomaali xoogleh ayaa laga hortagay si dhaqaalahoodana loo qaato loona guumaysto tanaa qaybta keentay doqoni waa mooge.

Waxaana daliil u ah cidii fakaraysaa,eeg wakaa dhulkii Soomaali galbeed ee dalkeena guumaysigu ka gooyay hada  lasoo baxaya khayraadkiisii dabiiciga ah sida macdanta iyo gaaska. dhanka kalana wakaa batroolkii badeena iyo khayraadkii kaluunka badeena uu rabo in uu kenya ku wareejiyo sidii uu dhulka soomaaliyeed kenya shalay uugu waree jiyayba.way kuu muuqataa in gumaysigii soo rogaal celiyay laguna socdo khayraadka dhulkeena,inagoon cidi waxba inaga waydiin dhulkeena la boobay.

Fikirkii gumaysi ee hore markii uu dhulka soomaaliyeed qaybinaayay,wuxuu dhigay shax iyo qorshe fog oo oranaaya “Majiro qaran iyo dawlad soomaaliya ka dhalata oo xoogleh,taabadalkeedana waxaa jiraya beelo soomaaliyeed oo ku hoos noolaada adeegayaasheena aan wakiilanay Ethiopia iyo Kenya.”

Ninbaa laga sheegay in uu yiri,xili isaga loo sheegay in cadaw u tashaday,” Meeshii laygu tashaday saw illaahay majoogin? haa weeye kabaxa waxba ima yeeli karaane” Hadaba illaahay wuxuu qadaray iyadoon raali laynaga ahayn in 1960 aynu helay dawlad iyo xornimo.markiiba wakiiladii gaalo Ethiopia iyo Kenya waa qayliyeen oo waydiiyeen sayidkooda “Xeerkii miyaad ka baxdeen aad shalay noo sheegteen ee ahaa in qaran iyo dawlad soomaaliyeed jirayn,balse beelo soomaaliyeed jirayaan oo hoosteena yimaada hadaanu nahay kenya iyo Ethiopia ( Ethiopia oo iyadu markaa dawlad ahay halka keenyana boroseesku usocday dawlad nimo)”

Labadan wakiil ethiopia iyo kenaya walwal badan bay ku haysay dhalashadii iyo madax banaanidii soomaaliya 1960 kii.had iyo goorna dagaal bay inagula jiraan waana cuqdad gumaysigu ku abuuray. halkan waxaad ka fahmaysaa sababta dalkeena loo burburiyay oo dawladii soomaaliyeed ee cadawga hortaagnayd meesha looga saaray. sadex jabhadood oo beelaysan ayaa dalkeena lagu burburiyay SSDF SNM IYO USC waxaa xusid mudan markay dalkoodii burburiyeen iyagii gumaysigu waa ka ilaaliyay in ay dawlad noqdaan!! maxaayeelay hadafkaa ahaa in xiligii xornimada ka horaysay soomaaliya siday ahayd lagu celiyo,lagana dhigo beelo aan dawlad ahayn oo hoos jooga wakiilada gumaysiga kenya oo ingiriis haystay iyo ethiopia.

Markaas ayaa gumaysigu u jawaabay kenaya iyo ethiopia in uu san xeerkii kabixin markuu tusay sida uu uburburiyay soomaaliyadii dawlada ahayd ee cabsida ku haysay labadan dal,taasoo kenya iyo ethiopia qosol aad ah dhoosha danbe ay ka qosleen!! sayidkoodana aamineen.

FADARAALKA OO AH DABAR AMA ISBAARO LOO DHIGTAY IN DIB DANBE SOOMAALIYA U HESHO DAWLAD DHEXE OO XOOGLEH

 

Fadaraal waa nidaam maamul dawladi dalkeeda ku xukunto,mana aha mid filweyn taariikhda dawladnimo ee aduunyada soomartay marka la eego.dawladaha aduunku 80% kuma dhaqmaan qaabka fadaraalka noockasta uu yahay hayeeshee dalal yar baa isticmaala dunidoo dhan markaad eegto. fadaraalka waxaa asalkiisaba keenay oo uu ku yimid,dadyaw kala diin ah,kala dhaqan ah kala af ah,oo doonay in hal dawlad hoostagaan oo ku midoobaan. nin waliba waxa uu rabaa in afkiisa caruurta wax loogu dhigo,nin waliba waxa uu rabaa in dhaqankiisa lagu dhaqmo,nin waliba waxa uu rabaa in diintiisa illaahay lagu caabudo,hadaba suaashu waxaa weeye ninkee tiisa la qaadan oo ninkee tiisa laga tagayaa? waa fikir ka dhashay umad sidan u dhiban waana barta uu kasoo jeedo fadaraal asal ahaan.in dal hal ah la kala qoqobo oo fadaraal laga dhigo baahidaas ayaa keentay. baahidaan dunidu ma wada qabto oo uma baahna waxaana inta badan dawladuhu yihiin jamhuuriyad hal ah oo wada jirta sida dalkeenu ahaa waligiiba.

 

Fadaraal soomaaliya ma fikir inaga soomaalida ah inaga yimid baa? mise waa mid shisheeye ka danbeeyo oo dibadaa laynooga keenay? Soomaalidu waxay fikir ahaan keeneen markaan burburay waxa loo yaqaan 4.5 oo dadka soomaaliyeed qaar kood xiligaa u arkaayeen cadaalad waana layaqaan dadkii keenay. hayeeshee fadaraal majirto maskax soomaaliyeed oo ay kasoo maaxatay,waxaase inoo keenay dalka ethiopia ayaa waxaa qabsatay Jab had Tigree ah oo nidaamkii dawladnimo ee dalkaas ubadashay fadaraal. waxayna ku kala qoqobtay wada jirkii iyo midnimadii dalka ethiopia.waxayna dhaceen dhaqaalihii dalkaas iyo hubkii dalkaas oo geeysteen dawlad goboloodkooda. waxayna hoosta ka xariiqeen in haday xukunka waayaan maalin maalmaha kamid ah ay go aan, dawlad goboleed kastaana dhankeeda u godo oo lawaayo ehtiopia xoogleh oo midaysan.hadana meeshay mareen lays waydiin maayo maanta. si kastaba ha ahaatee ethiopia way iska gaartay sharkii fadaraal ee Tigree waday. sikasta ha ahaatee ethiopia waaba loo qaateen in ay qaadato nooc fadaraal ah maadaama aykala duwan yihiin diin ahaan,af ahaan,midab ahaan intaba.

 

Maadaama Tigree hubka siin jiray dagaal oogayaashii dalkeena,oo ay inagu dhex jireen iyagaa inoo keenay oo inagu qasbay in aan qaadano fadaraal waxayna usoo dhiibeen madaxweyne cabdullahi yusuf waxaase xusid mudan in uusan shaqsiyan cabdullahi ku dhaganayn fadaraal hoos ahaan,laakiin isagaa laynoo soomaray oo inoo keenay waxaa la qaatay dagaal oogayaashii oo hal meel laga wada xukumay.Qorshaha Tigree ee fadaraalka uu inoo keenay waxa uu ahaa in lahelo 6 dawladood oo soomaali ah oo mid waliba leeyahay calan yar iyo baarlamaan yar oo haduu dhibsado dawlada dhexe uu goosto kuna dhawaaqo dawlad madaxbanaan. danta madaxweyne goboleedkana waxaa loo tusay in uu halkiisaa yar madaxweyne ka ahaado waligii jifadooduna isku bad badalato kursigaa yar dawlad dhexe oo xooglehna uu dalka ka ilaaliyo si uusan u waayin kursiga jifadiisa ee gaarka u ah. 

 

Maanta waad aragtaan shirkii garoowe in ahmed madoobe uu sheegtay in uu ka xishooday in kenya uu qusul dawladeed geeysto iyo in uu xuduud dheer laleeyahay kenya isagoo ah dawlada jubaland!!!!  markaa sowma noqonayso in soomaaliyana xuduud la leedahay dawlada jubaland ee axmed madoobe? waa wixii Tigree ku qufuleen oo ah adiga iyo qabiilkaagu dawlad baa tihiin. waxaa muuqata in Puntland wixii caloosheeda ku jiray banaanka illaahay keenay oo Dani madaxweynaha puntland sheegay in Puntland ay xaq u leedahay in ay ka godo dawlada dhexe oo gooni u istaagto  waa waxaas waxa laynagu qasbayo in aan qaadano ee ah fadaraal.

 

waa fikirkii tigree beeray.nimanka noocaan ah ayaa hadana dadka qaarkii madax u haystaan halkay dadka iyo daka ka hor dhaqaajin lahaayeen. marabaan dawlad dhexe. waxayna ahmed madoobe iyo dani og yihiin in hadii Mogdisho la isugu tago oo soomaali dhex deeda is doorato aysan cidina iyaga dooranayn sababtoo ah waa niman xagjir ah oo shisheeye u shaqeeya fadaraalna loosoo dhiibay. markaa waa hadaan lay idooranayn meeshaydaa igu filan ee car soomaaliyeey iigu imaada waasiday latahay iyaga. fadaraalka soomaalidu maha mid qarniyadan ay fahmi karaan oo loo keeni karo,maxaa yeelay dadka soomaaliyeed qabiilkaa ku badan oo la weyn markaa fadaraal qabiil bay u badaleen mana fahmi karaan kolkaa loomaba dhawayn karo fadaraal dalkeena soomaaliya waa halis cad oo muuqata. balhada aad u fiiri fikirka ay fadaraalka ka aamin sanyihiin kuwa ku doodaya ee wadaa waa dani iyo ahmed madoobe. waxay u hadleen in ay yihiin dawlado kale oo aanba soomaaliya ahayn!! dhibkuna waa fadaraalka laynagu shirqoolay.

 

Horaan maqaal uugu soo bandhigay dhibka iyo shirqoolka fadaraalka iyo cidii inoo keentay.waxaad maanta arkaysaan halkii laysugu tagi lahaa ee la dhisi lahaa ee lagarab istaagi lahaa dawlad soomaaliyeed,oo dalkeena bad baadisa cadawgana iska celisa iyo gumaystaha ayaad arkaysaan in PUNTLAND IYO JUBALAND oo isu arka laba dawladood in ay garabka ku hayaan una adeegayaan maslaxada cidkasta iyo dawlad kasta oo cadaw ku ah jiritaanka (sida kenya iyo e-maraatka) umada soomaaliyeed iyo xoriyada dawladnimo ee dalkeena. waxay la dagaalayaan in dalku yeesho hal dawlad oo MOGDISHO looga arimiyo.

Labadan dawladood goboleed  PUNTLAND IYO JUBALAND waa laba beelood dhab ahaan dawladnimana ka dheer ahmed madoobe iyo dani midna maha madaxweyne!! waxaase kuu cad in ay hal shaqo uun hayaan oo ah in dalkaan aysan dawlad xoog leh oo hanata dalkoo dhan ka dhicin,shaqadana waxaa u dirtay sayidkooda la hoos geeyay ee ah kenya iyo  Tigreegii jabay iyo emaraadka  Hadaba waxay u shaqeeyaan cadawga soomaaliyeed iyagoo fulinaaya hadafkii fogaa ee ahaa beelo iyo qabaa ilo soomaaliyeed waa jiraan laakiin dawlad iyo qaran soomaaliyeed majiro beelahaas oo hoos yimaad ethiopia iyo kenya.markiit sii fiirisana isticmaarka qabsaday afrika ayaa iyaga adeegsanaaya oo kadanbeeya.

Halkan waxaad ka fahantahay in fadaraalku yahay beelo iyo qabii looyin hoos taga kenya iyo ehtiopia meeshana waxaa laga saaray soomaali dawlad ah. waadna aragtaan siday hada ula safan yihiin kenya iyo e-maraadka iyo dawlad walboo cadaw u ah soomaali.una diidan yihiin dawlad soomaaliyeed.saas ayaa keentay in fadaraal lagugu shirqoolo hadaad tahay wadaniga soomaaliyeed.reero calamo yar yar wata oo dawlado ah!! macnaheedu waxaa weeye beelo kala joogaa dawlad ma noqdaanae yaa dawlad u ah dadkaan? jawaabta arkhristahaan u daayay.

Hal jifo oo kamid ah beelha iyo jifooyinka soomaaliyeed ee dagan gobolada waqooyi  ayaa Nairobi waxay u tageen halkaa in ay gacanta kasoo dhunkadaan iyo lugaha madaxda kenya,una muujiyaan in ay hoos joogaan dawlada kenya kuna garabtaagan yihiin biyaha bada kenya ee ay soomaalidu sheeganayso waa siday u sheegan cadawgee,waxayna yiraahdeen ” Raali kama nihin gardarada ay wadaan reer Mogdisho oo sheeganaya bada kenya” waxay isu haystaan sidaa Puntland iyo Jubaland in ay dawlad yihiin layiraahdo SOMALILAND!! Waxaa xusid mudan in Ingiriisku iyo Kenya ay yihiin kuwo aad uga dharagsan in SOMALILAND tahay magac ay ku hoos jirto hal beel qayb yaroo kasii mid ah oo ka tirsan beelaha soomaaliyeed ee dagan waqooyiga soomaaliya.

Hadaba Somaliland oo jifo ah,Puntland oo jifo ah iyo Jubaland oo jifo ah ayaa hoos jooga kenya oo beecinaya dhulkoodii iyo badoodii sidaynu aragnaba.markaa akhristoow ma tahay beelo soomaaliyeed oo hoos jooga kenya  arinka dalkeenu? sow kuuma cada fadaraalku in uu yahay jifooyin calan been ah huwan oo iska dhigaaya dawlad gumaysiguna u durbaan tumaayo. hadaba maxaa la gudboon shacabka soomaaliyeed ee dalkaan iska leh? maankana ku hayso fadaraal waxaa inoo keenay Tigreegii jabay oo inagu shirqoolay.

Yaan dadka soomaaliyeed ee isku diinta iyo afka iyo dhalashada ah laga dhigin kuwo kala duwan. waxaan u baahanahay sida wadamada horumaray cadaalad inagoo ah dawlad dhexe,gobol walba dadkiisaa maamulaya,dhaqaalihiisaa lasiin si cadaalad ah,wada jir bayna soomaali u noolaan,nin walbaa gobolkuu doonuu dagayaa kashaqaysanayaa isagoo ah soomaali aan laga xigin dalkiisa.hantida dalkeena waxaa maamulaysa dawlada waxayna dadka uugu qaybin si cadaalad ah waa intaa. eeg kuwa hada ku doodaya fadaraalka ahmed madoobe iyo dani siday wax u maamuleen fiiri wax kasta jifadooda ayay siiyaan meeshiiba waa xirteen dhab ahaan mana loosina shaqada iyo maamulka waad aragtaan wakaa fadaraalka ay rabaan. waa qabiil cad iyo musuqmaasuq cad oo jifaysan fadaraalku. waana mid la dagaalamaaya soomali yeelata dawlad dhab ahaan waadna u jeedaan. hadaad tiraahdo fadaraalku qabiil maha,waxaadan markaa fahan sanayn sida iyo heerka ay joogaan dadkeenu oo ah kuwo u jilicsan qabiil,taasoo keenaysa in fahamkii noqdo fadraal qabiilaysan sidaynu hadaba u jeedno.

Digniin waxaan ka digaynaa niman reer puntland ah oo wada qorshe ah fadaraal ay sanka kagaliyaan soomaali oo ku qasbaan iyagoo doonaaya in dastuurka dalkeenu qaadanaayo lagu saleeyo qaab fadaraal ah iyagoo dantooda u arka in ay ku helayaan fadaraal oo kaliya.Madasha rayi wadaaga ee Hartage qabatay waxaa ku qarsoon fikirka ah in la dadajiyo dhamaystir dastuur fadaraal ah oo soomaaliya yeelato waxaan gadaal ka taagan puntland oo sidaa rabta in ay hirgasho.suaashu waxaa weeye mahadaan dawladnimo bilaabaynaa dalkeenu wuxuu dawlad ahaa 1960kii dastuura waa lahayn ilaa xiligaa. maxaa loo tuurayaa dastuurkeenii? maxaa nagu qasbaaya waxaan la aqoon oo dan aan u ahayn dadkena iyo dalkeena soomaaliya.

 

waxaa dalkaan wadaniyadiisa iyo wada jirkiisa ilaalin jiray reer Mogdisho waana inta ay ku fiican yihiin markaa waxaan leeyahay maanta yaan laydin marsiin wax soomaali dibada looga keenay oo jifo wadato aan ka naxay soomaali. dalkaan fadaraal uma baahna wuxuu rabaa cadaalad in wax loo qaybsado iyadoo lawada jiro.fadaraal ayaa cadaalad iyo wanaag keenaya ninka yiri ha fiiriyo siday  goboladooda u maamulaan ahmed iyo dani intaas ayaa kaaga filan dhibka fadaraalka. xataa heer lagaaray in wiil yaroo kuada ku fiican puntland laga reebay ciyaarihii gobolada isagoo usafahan lahaa puntland sababtoo ah maha jifada iskaleh puntland maadama fadarlaal layahay!!! wakaa fadaraalka ay rabtaa puntland iyo jubaland. laakiin wiilkii waxaa qaatay wadaniyiinta soomaaliyeed ee koonfurta iyo bartamaha soomaaliya wakaa soomaalinimada saxda ah. mogdisho iyo galmudug inta u dhaxaysa waxaa taala soomaalinimo buuxda iyaganaa difaaci doona cadawga fadaraalka nagu dhex wada iyo kala qaybinta.

Waxaan qabaa in aan dawladeena garab istaagno dad iyo dal jira ayaynu nahay,libintana inagaa iska leh dalkeena waa difaacanaynaa kuwa gumaysiga inaga raacayna gacanbir ah ayaan ku qabanaynaa waana maxkamadaynaynaa.Soomali 3 jifo ee ay kasoo kala jeedaan muuse biixi,siciid dani iyo ahmed madoobe maxay kayihiin nin walbaa taa garanaaya kama aha 2% boqolkiiba laba.majeclayn in aan afka beel ku dhufto,waana ogahay in dadku wada xumayn hasa yeeshee jifooyinkani mahayno wax garadkoodii,odayaa shoodii oo ka hor yimid markay arkeen in ay shisheeye u shaqaynayaan, markay arkeen in ay ka horyimaadeen dawladnimo soomaaliyeed,halkaa waxaa nooga cadaatay in ay dulmigaa taageersan yihiin,markaa waa waajib in aan tilmaano, meela soomaali uga soo wada jeed sato,kooda fiican in ay dib dhigaan maha kan khayaamaya dalkana soo hormariyaan oo daba kacaan sidaa muuse biixi,dani, axmed madoobe oo iyaguna is rabin dawlad soomaaliyeedna rabin. Dalka soomaaliya ayaa leh dawladna waynu nahay iyo qaran jira,calanbaan leenahay,caasimad baanu leenahay MOGDISHO, madax baanu leenahay, qaranbaanu nahay manihin qabiil.

Dawlado badan oo caalamka ah ayaa na taageersan,sida Turkiga waana ognahay in kenya cabsanayso markay ogaatay xooga soo socda ee soomaaliyeed oo haysta hubkii uugu danbeeyay caalamka oo aysan wali helin ethiopia iyo kenaya.soomaaliyeey waxaan idiin balan qaadayaa in mardhaw aad arki doontaan MOGDISHO oo loo soo kala dhuunto kenya iyo e-maraat .kuwa isa soo ban dhigay ee u shaqeeya gumaystaha ee umada soomaaliyeed u wada jeedo waa kuwa uugu xun kana sii liita gumaysiga kuwan sharcigaan horkeenay naa waana khiyaamo qaran ciqaabtoodu.

Soomaaliya labaa loo kala baxay intabadan oo difaacaysa dawladnimada iyo dalkeena xoriyadiisa iyo in yaroo gumaysiga daba dhilif u ah oo dalka dhaafsaday xooga doolar ah. nin walbaa xaqiisu helayaa ee nin waloow haka qoomamayn waxaad maanta meel dhigatay bari.

Yuusuf CumarMashruuc5@hotmail.com