Falanqaynta Kulamada Xiisaha Leh Ee Maanta Iyo Berri La Ciyaari Doono Horyaalka La Liga.

0

Spain (Berberanews Sports):- * Kooxda hogaanka u heysa La Liga Real Madrid ayaa xaqiijisan doonta hanashada horyaalka markii 32aad, hadii ay axada garoonkooda kaga badiyaan kooxda Sevilla, islamarkaana kooxda kaalinta labaad ee Barcelona ay guuldarro ka soo gaadho Rayo Vallecano.

Kooxda Jose Mourinho ayaa qarka u saaran inay kor u qaadaan markii ugu horeysay koobka horyaalka muddo afar sanadood ah, iyagoo leh 88 dhibcood, islamarkaana hogaanka ku haya 7 dhibcood, afar kulan oo ka hadhay horyaalka.

Real ayaa heysata koox buuxda oo ay ka soo xushaan line-upkooda, lakiin kooxda kaalinta 9aad ee Sevilla ayaa waxaa ganaax kaga maqnaan doona Gary Medel iyo weeraryahan Manu del Moral.

Xidhiidhka kubada cagta Spain ayaa dhawaan ku ganaaxay kooxda Sevilla 600 euro ka dib markii taageerayaashooda ay kubado tennis ah garoonka dhexdiisa ku soo tuureen si ay dib ugu dhigaan bilaabashada kulankii todobaadkii hore ay la lahaayeen Levante. Taageerayaasha ayaa ka cadhaysnaa in la bedelay wakhtigii loogu talogaly inay kooxdooda ciyaarto iyadoo la eegayo in kulanka El Clasio uu helo wakhti banaan.

* Ka dib seddex kulan oo isku xigta oo aanay guul gaadhin, Barca ayaa u safri doonta habeenka axada Madrid si ay u la ciyaaraan kooxda ku jirta kaalinta 15aad ee Rayo, waana kulankii ugu horeysay ee ay Barca ciyaarto ka dib markii macalinkooda uu ku dhawaaqay inuu kooxda ka tagayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Waxaa dhaawac kaga maqnaan doona Barcelona Xavi iyo Gerard Pique.

*Kooxda kaalinta 3aad ee Valencia ayaa u baahnaan doonta inay boorka iska jafaan ka dib markii ay qamiistii ka hareen Europa League waxaana  ay u safri doonaan axada kooxda kaalinta afaraad ee Malaga.

Los Che ayaa 3 dhibcood oo faa’ido ah ku heysata booska kaalinta 3aad ee sida tooska ah xilli ciyaareedka soo socda loogu soo baxayo Champions League.

* Ciyaaryahanka reer Spain ee kooxda Valencia Sergio Canales ayaa garoomada ka maqnaan doona lix bilood kale, ka dib markii uu dhaawac ka soo gaadhay jilibka kulankii khamiistii ee Atletico Madrid ee Europa League.

21 jirkaan ayaa amaah kaga soo maqan Real Madrid, waxaana qaliin lagu sameeyay jilibka bishii October, isagoo dhawaan ku soo laabtay garoomada.

* Kooxda laga yaaban yahay ee Levante, oo dad badan ay filayeen inay xilligan oo kale u dagaalami laheyd inay La Liga sii joogto ayaa bedelkeeda waxa ay haatan ku jirtaa kaalinta 5aad waxaana  ay qal-qaalo xoogan ugu jiraan inay helaan boos tartamada Yurub ah, iyagoo maanta martigelin doona Granada.

*Kooxda ugu hooseysa horyaalka ee Racing Santander, oo kaliya labo dhibcood ka heshay 10kii kulan ee ugu danbeysay, ayaa ku qasban inay ka badiso maanta Real Sociedad si ay u helaan fursad kasta oo ay kaga badbaadaan inay u laabtaan horyaalka heerka labaad.

Racing waxa ay 11 dhibcood ka danbeysaa kooxda kaalinta 17aad ee Villarreal kuwasoo iyagana maanta martigelin doona Osasuna.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports