Falanqeynta Kulamada Xiisaha Leh Ee Maanta Iyo Berri La Ciyaari Doono Horyaalka Premier League.

0

England (Berberanews Sports):- Dagaalka loogu jiro boosaska loogu soo baxayo Champions League ee ka dhaxeeya Arsenal, Newcastle United, Tottenham iyo Chelsea ayaa gaadhay meeshii ugu sareysay ka hor kulanka lawada sugi la’yahay ee isniinta dhexmaraya kooxaha Manchester City iyo Manchester United.

Hadii Chelsea ay ku guuleysato bisha soo socota Champions League, cid kasta oo ku dhameysata kaalinta afaraad uma soo bixi doonta Champions League waxaana ay tagi doontaa Europa League.

Arsenal ayaa kaalinta seddexaad ku jirta waxaana ay leeyihiin 65 dhibcood, iyaga ayaana ugu cadcad inay ku dhameystaan booska sida tooska ah loogu soo baxayo Champions League, waxaana ay sii xajisan doonaan booskooda hadii ay maanta ka badiyaan kooxda Stoke City.

Hadii ay Chelsea ku guuleysato Champions League lakiin ay ku guuldareysato inay ku dhameysato top 4, iyada ayaa qaadaneysa booska afaraad ee Champions League, taasoo haatan kaalinta 3aad ka dhigeysa meesha loogu doondoonista badan yahay.

“Waa sharci qof walba ogyahay ka hor inta aanuu xilli ciyaareedka bilaaban, cidna kamay cabanin, hadii Chelsea ay ku guuleysato markaasi England 4 koox ayaa u mataleysa koobka Champions League. Waana inaan aqbalnaa” ayuu yidhi tababare Arsene Wenger.

“Gabi ahaanba cadaalad ma aha, lakiin hadana caqli ahaan suurtogal ma aha in koox Champions League qaaday inay ka qeyb qaadanin koobka mar kale.”

Newcastle ayaa ku jirta qaab ciyaareed wanaagsan ka dib markii ay badiyeen kulankoodii 6aad oo isku xigta horyaalka, waxaana ay ku jiraan kaalinta 4aad iyagoo leh 62 dhibcood, waxaana ay maanta u safri doonaan kooxda Wigan, iyadoo hal kulan kale uu u sii hadhsan yahay.

Spurs, oo qaab ciyaareedkooda uu noqday mid hoos u sii dhacayo tan iyo markii tababarahooda Redknapp lala xidhiidhiyay bishii Febraayo shaqada xulka England, ayaa waxa ay ku jiraan kaalinta 5aad iyagoo leh 59 dhibcood, waxaana ay axada la ciyaari doonaan kooxda kaalinta 19aad ee Blackburn.

Lakiin Redknapp ayaan ka warwar qabin in hadii ay ku guuldareystaan inay Champions League u soo baxaan in xiddigo badan ay ka tagi doonaan.

“Markii ay kooxda imanayeen, Tottenham ma aanay ciyaareynin Champions League, uma dhaweyn xitaa inaan u soo baxno Champions League” ayuu yidhi.

“Waxa ay u ciyaaraan Tottenham. Waxa ay la joogaan koox weyn. Ma jirto sabab ay ku doonayaan inay baxaan. Hadii aanan sannadkan u soo bixin Champions League sannadka soo socda ayaan isku dayi doonaa”

Chelsea, ayaa niyada ay u dhisan tahay ka dib markii Barcelona ay ka saareen Champions League islamarkaana ay gaadheen finalka koobka ugu weyn yurub, waxa ay ku jiraan kaalinta 6aad iyagoo leh 58 dhibcood, waxaana ay axada la ciyaari doonaan QPR.

Ciyaarta ka hor ma jiri doono isgacan qaad dhexmara ciyaartoyda labada kooxood, iyadoo difaaca QPR Anton Ferdinand iyo difaaca Chelsea John Terry ay u socoto dacwad maxkamadeed oo la xidhiidhka isirka.

Chelsea ayaa taageerayaasheeda uga digtay inay hadalo xun ku yidhaahdaan kulanka berri Anton Ferdinand kaasoo la filayo inay ku oorin doonaan mar kasta oo uu kubada qabsado.

Dhinaca kooxaha horyaalka ugu hooseysa, dagaalka loogu jiro in laga fogaado horyaalka heerka labaad ayaa meel qaraar maraya, kooxda Wolves ayaa ilaa iyo haatan xaqiijisatay inay ka ciyaari doonto Championship xilli ciyaareedka danbe labada koox kale ee ku soo biiri lahaa ayaa weli ay calaamad su’aal ka taagan tahay.

Iyadoo Blackburn, Bolton oo sabtida la ciyaareysa Sunderland, Wigan, QPR iyo Aston Villa oo u safri doonta West Brom ay dhamaantood naftooda u dagaalamayaan.

Dhinaca kale Everton ayaa martigelin doonta Fulham, Swansea waxa ay la ciyaari doontaa Wolves, Liverpool oo hore u xaqiijisatay booskeeda Europa League balse horyaalka kaga jirta kaalinta 8aad ayaa caawa waxa ay u safri doontaa Norwich.

Mustafe Maxamud Diiriye

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports