Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Premier League Ee Manchester City v Chelsea.

0

(Berberanews Sports):- Kulan xiiso leh ayaa caawa Etihad Stadium waxa uu ku dhexmari doonaa Manchester City iyo Chelsea. Kulankan ayaa muhim weyn u ah labada kooxood. Manchester City waxaa saaran cadaadis xoogan waxaana ay u baahan tahay inay soo yareyso hogaanka afarta dhibcood ee Manchester United.

Halka Chelsea oo soo badisay afartii kulan ee ugu danbeysay ee uu macalin u ahaa Roberto Di Matteo ay iyadana guul u baahan tahay si ay fursad ugu hesho inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka danbe.

MAXAA CUSUB?

Carlos Tevez ayaa laga yaabaa inuu markii ugu horeysay tan iyo bishii September sannadkii hore inuu u ciyaaro kooxda Manchester City, lakiin waxa uu soo fariisan doonaa kursiga keydka kulanka caawa madaama ay u badan tahay inuusan ku bilaaban doonin, isagoo labo kulan kaliya la soo ciyaaray kooxda Juunyeerka.

Vincent Kompany iyo Pablo Zabaleta ayay u badan tahay inay soo laaban waayaan kulanka caawa, lakiin difaaca City waxaa caawin doonaa hadii Joleon Lescott uu diyaar soo noqdo ka dib dhaawac soo gaadhay, hadii uu soo noqon waayo Stefan Savic ayaa difaac dhexe ka garab ciyaari doona Kolo Toure.

Gareth Barry ayaa isna sidoo kale doonaya inuu ku soo bilowdo kulankaan, hadii uu ka soo kaco dhaawacii dhabarka, lakiin waxa uu booskiisa kula tartami doonaa Nigel de Jong iyo David Pizarro.

// //

Tababare Roberto Di Matteo ayay u badan tahay inuu ku dhegi doono line-upkii uu kaga badiyya Napoli. Fernando Torres oo kulankii FA Cupka labo gool dhaliyay ayaa laga yabaa in tababaraha uu ka fekero, lakiin waxa ay u badan tahay in Didier Drogba uu ku soo bilaaban doono.

Blues ma qabto dhaawacyo cusub iyo ciyaaryahano ganaax kaga maqan, marka laga reebo kabtankooda John Terry oo dhaawac ku seegi doona kulankan sida uu xaqiijiyay shalay tababare RDM, sidoo kale waxaa ka maqnaan doona Romeu oo isna dhaawac ah.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

MANCHESTER CITY: Hart; Richards, Kolo Toure, Lescott, Clichy; Yaya Toure, Barry; Silva, Aguero, Nasri; Balotelli

CHELSEA: Cech; Bosingwa, Ivanovic, Luiz, Cole; Lampard, Essien; Sturridge, Mata, Ramires; Drogba

MA OGTAHAY?
  • Manchester City ayaa guuldarro aanay ka soo gaadhin Chelsea iyadoo ku ciyaareysa garoonkeeda tan iyo bishii September 2008dii, inkastoo labo guuldarro oo isku xigta ay ku soo gaadhay Stamford Bridge.
  • City ayaa indhaha ku heysa guushoodii 15aad ee horyaalka ee ay ku gaadhaan garoonkooda kulanka caawa.
  • Kaliya hal koox, Tottenham ayaa dhalisay wax ka badan hal gool markii ay booqaneysay xilli ciyaareedkan Premier League kooxda Manchester City, inkastoo Manchester United iyo Sporting Lisbon ay iyagana ku dhaliyeen balse ma aheyn Premier League.
  • Seddexda ciyaaryahan – Sergio Aguero (23, sawirka midig), Edin Dzeko (18) iyo Mario Balotelli (15) – ayaa dhamaantood ka goolal badan ciyaaryahan Chelsea ugu goolasha badan Frank Lampard oo dhaliyay 13 gool tartamada oo dhan.
  • Chelsea ayaa badisay dhamaan afartii kulan ee ay ciyaareen tan iyo markii la ceyriyay Andre Villas-Boas, waxa ay afartaasi kulan dhaliyeen 12 gool waxaana laga dhaliyay seddex kaliya.
  • Fernando Torres ayaa labo gool ka dhaliyay Leicester City koobka FA Cup, waxaana uu soo gabagabeeyya 1566 daqiiqadood oo uu gool la’aan ahaa.
  • Torres wax gool ah kama dhalin Premier League tan iyo dhamaadkii September, markaasoo uu gool ka dhaliyay Swansea ka dibna casaan qaatay.

 

Mustafe Maxmaud Diirye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports