Fallaagada Tigreega oo galay Mekelle iyo Itoobiya oo ku dhawaaqday xabad-joojin

0

Makelle-(Berberanews)-Waxaa jira warar aan la xaqiijinin oo sheegaya in ciidammada fallaagda Tigray ay gudaha u galeen caasimadda gobolkasi ee Mekelle.

ilo wareedyo ku sugan magaalada ayaa sheegay in markii ugu horreysay dagaalyahanada Tigray lagu arkayo magaalada tan iyo bishii Nofeember ee sanadkii hore.

Dad ku sugan gudaha magaalada ayaa BBC-da u sheegay in dad ku faraxsan ka bixitaanka ciidammada federalku magaalada ku dhex debbaaldagayaan

Dhanka kale, Dowladda federaalka Itoobiya ayaa xabbad joojin hal dhinac ah oo maanta dhaqan galeysa kaga dhawaaqday Tigray, sida ay sheegty warbaahinta dowladda.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa si joogto ah uga soo horjeesaneysay baaqyada caalamiga ah ee xabbad joojinta bani’aadannimo.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa si joogto ah uga soo horjeesaneysay baaqyada caalamiga ah ee xabbad joojinta bani’aadannimo.

@Bbc Somali