Fannaanadii Saynab Xaaji Cali Baxsan oo geeriyootay

0

Muqdisho-(Berberanews)-Alle Naxariistii jano ha ka waraabiyee waxaa maanta magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia ku geroyootay fannaanadii weynayd ee Saynab Xaaji Cali Baxsan.

Fannaanada ayaa sanadihii u danbeeyay ku sugnayd magaalada Muqdisho waxa sannadkii 2017 qalliin loogu sameeyay Cusbitaalka Blue  Star ee magalaadda Muqdisho, waxaana hsalkaas ku booqday wefti uu hoggaaminayay Raysal-wasaarihii hore ee Somali Xasan Cali Khayrre.

fananada Saynab Xaaji  Cali Baxsan waxay ka mid oo ka mid ahayd fananintii loogu jeclaa Kooxdii hobolladda waabari.

Saynab Cali Baxsan oo fanka kusoo biirtay sanadkii 1964, ayaa kamid ahayd fanaaniinta dhinaca dumarka ah ee ugu horreeyey fanka Soomaaliyeed, waxayna isku waqti ahaayeen Xareedo Ismaaciil Duniya iyo Faatima Cabdilaahi Maandeeq.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka tirsanayd Hobalada Qaranka ee Waabaari.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay kaalinta Marxuumaddu ay ka qaadatay wacyigelinta bulshada iyo xoojinta dareenka wadaniyeed, iyadoo safka hore kaga jirtay hobaladii Qaranka ee hormuudka u ahaa xoojinta dhaqanka, afka iyo suugaanta.