Fannaaniinta Axmed Caarshe iyo Najma Nashaad oo Muqdisho tegay

0

Muqdisho-(Berberanews)-Fanaaniinta Ahmed caarshe Iyo Najma_Nashaad oo ka mid ah Hobollada sanadihii u dambeeyay sida weyn u hantay taageeraal badan ayaa maanta magaalada Muqdisho ee Wadanka Somaliya.

Lama oga sababta iyo safarka labadan fannaan ugu baqooleen magaalada Muqdisho iyo ujeedka safarkooda toona, haeyeeshee warar u dhuun daloola Kooxda Xiddigaha Geeska oo Axmed Caarshe ka tirsanyahay, ayaa shebekadda Berberanews u xaqiijiyay inay u tegeen aroos laga soo dalbaday oo ka dhacaya Muqdisho.

Hore waxaa u dhacdey in fanaaniin reer Somaliland oo xamar tagay markii ay soo laabteen inay xukuumadu Xabsiga Dhigtay inkastoo markii danbe la sii daayay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Qudbad Sanadeedkiisii ugu Danbeeyay Si weyn ugaga hadley Dadka inta Badan muqdisho Aada isla markaana Marka Danbe cafis soo waydiista .

Berberanews.com, info@berberanews.com
Phone, 252634401688