Fannaankii Cabdi Cali Bacalwaan oo ku geeriyooday dalka Jarmalka

0

Waxaa Allaha u naxariistee dalka Jarmalka uu ku geeriyooday fannaanka Cabdi Cali Bacalwaan, oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay halkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeysay geerida fannaanka oo ka mid ahaa fannaantii dalka kuwooda ugu muddada dheer uguna caansan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in fannaanku uu qabay xanuunnada neefmareenka ku dhaca isla markaana uu u biirsaday xanuunka safmarka ah ee covid-19.

Cabdi cali Bacalwaan ayaa ka mid ahaa tiirarkii kooxda qaranka ee Hoballada Waabari. Mar uu wareysi siinayay mid ka mid ah warbaahinta, sanadkii hore ayaa wuxuu yiri “Qaran dumay qalfoofkii ka haray inaan ahay” ayaan dareemaa markaan soo xusuusto heerkii uu fanku gaaray”.

Bacalwaan mar uu wareysi siinayay mid ka mid ah warbaahinta Soomaalida wuxuu sheegay inuu fanka soo galay sanadkii 1965, isagoo kaalinta koowaad ka galay tartan faneed lagu qabtay magaalada Muqdisho. Wuxuu ku biiray kooxdii Xoogga Dalka, isagoo markii dambe ka mid noqday Hoballada Waaberi oo safka hore kaga jirtay fankii Soomaalida.

Bacalwaan wuxuu sidoo kale ahaa laxamiiste, wuxuu sheegay in heestii ugu horreysay ee uu laxanka saaro ay ahayd heestii `Hoheey Afrikaay Huruddooy` ee ay qaaddo Allaha u naxariistee Xaliimo Khaliif Magool.

Fannaanadda Khadiijo Foodey Nuur oo ka tirsaneyd kooxdii Hoballada Waaberi isla markaana aqoon fiican u leh Bacalwaan ayaa BBC-da uga warrantay qofka uu ahaa Bacalwaan.

“Bacalwaan wuxuu ahaa qof dhan walba ku fiican, haddii ay noqoto jilliinka iyo heesaha. Wuxuu ahaa qof ka dhex muuqday fannaaniinta, qof furfuran ayuu ahaa oo ay fannaaniinta iyo bulshaduba jecleyd.”

Khadiijo Foodey ayaa sheegtay in markii ay dagaallada sokeeye dalka ka qarxeen, uu Bacalwaan ka mid ahaa fannaaniinta qaxday. Sanadihii 1990-meeyadii ayay sheegtay inuu soo galay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaas oo uu ka aaday dalka Jarmalka oo uu muddooyinkii ugu dambeeyay ku noolaa.

Bbc