Faransiiska Oo Sheegay In La Dilay Ninkii Fuliyay Dilkii Toulouse Maxamed Marah

0

Loulouse, (Berberanews/AFP):- Wasiirka Arrimaha Gudaha Claude Gyan ayaa shaaca ka qaaday in ninka lagu tuhunsan yahay, inuu ka danbeeyay weerarkii lagu qaaday dugsi dadka Yuhuudu leeyihiin oo ku yaala magaalada Toulouse, oo todoba qof lagu dilay, ay toogasho ku dileen booliska dalkaasi.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka dalka Faransiiska ee AFP, ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Marah ayaa lagu hayay, go’doomin muddo lix iyo sodon saacadood qaadatay oo lagu hareeraysnaa guri uu ku dhuumanayay, halkaas oo markii danbe uu go’aansaday in uu si fool ka fool ah u waajaho booliska.

 

Sida uu wasiirka arrimaha gudaha Faransiisku sheegay dagaal iyo tacshiirado la is waydaarsaday qadar kooban, waxa halkaas lagu dilay ninka loo malaynayo inuu ahaa Maxamed Marah, waxa kale oo is rasaasayntaa ku dhaawacmay sadex ka mid ah booliska dalka Faransiiska.

Maxamed Marah waxa uu ahaa nin haysta dhalashada dalka Faransiiska, asalkiisi horana ka soo jeeday dalka Aljeeriya, waxa la rumaysan yahay inuu ka tirsanaa ururka AlQaacida, isla markaana ahaa ninkii fuliyay sadex weerar oo lagu dilay askar ka tirsan booliska dalkaas oo meel fog laga soo toogtay.



 

Ninkan dhalinyarada ah ayaa sheegay in dilka dadka Yuhuuda ah uu ugu aar gudayo, Carruurta reer Falastiin ee maalin walba Israel laynayso, hasa yeeshee waxa uu muran ka taagan yahay in dhab ahaan uu qofka la toogtay yahay Maxamed Marah iyo in kale, sababtoo ah wax xidhiidh ah lalama yeelan, intii go’doominta lagu hayay.

Si kastaba ha ahaatee ninkan ayaa booliska Faransiiska kaga nixiyay toogasho iyo qaab dagaaleed layaab leh, oo uu mar kaliya kaga soo booday daaqada gurigii ay ku hareeraysnaayeen ee la tuhunsanaa inuu ku dhuumanayay, waxaanu toogasho kaga gaadhsiiyay sadex askari, ka hor intaan la dilin.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa falkan ku tilmaamay mid kooxo sharka jecel oo koobani fuliyeen, hasa yeeshee aan loo nisbayn karin, ama aan lagu ceebayn karin mushtamaca Muslinka ah ee dalkaas ku dhaqan, waa sida uu hadalka u dhigaye, taas oo la aaminsan yahay in hadalka Sarkozy ka danbeeyay cadho dadka Faransiisku ka qaadeen weerarkan iyo canbaarayn ka imanaysa kooxaha garabka midig.

Faysal Maxamed Xasan

Email: daralla066@gmail.com